Cibrooyinkii Ku Dugnaa Hanaqaadkii Somaliland – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani) – Q.2aad

Filed under: Articles-Maqaallo |

CABDI-CASIIS2: CADAWGII KU HABSADEY DALKAN

2.1: Taariikhdii Kalidii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare

GEN.maxamed siyaad bare waxa uu inqilaab milatari ku qabsadey jamhuuriyadii somaliya sanadkii 1969 maalin salaasa ah, waxa inqilaabkaa la sameeyey 24 sarkaal boolis iyo milatari isku jirey, 1974 ayuu ku dhawaaqey xisbigii hanti wadaaga kacaanka somaliya, dawaladii kacaanku waxay ku taalaabsatey harumar balaadhan oo dhinac kasta ah sanadihii u dhaxeeyey 1969-1976, harumarkaa waxa ka mid ahaa.

  • Warshadii sibidhka ee berbera.
  • Warshadii sonkorta.
  • Qoristii farta somaliga.
  • Gurmadkii loo fidiyey abaartii dabada dheereyd ee 1973 ka dhacdey gobolka sool, togdheer iyo sanaag.

Sandkii 1977kii ayuu Maxamed Siyaad dagaal ku qaadey dawlada itoobiya lamana garanayo sababta dhabta ah ee dagaalkaasi uu u’galay , balse wuxuu sheegi jiray Maxamed Siyaad inuu xoraynayo dhulkii ogaadeeniya (kilidhka shannaad ) 1977 kii ayuu galay Maxamed Siyaad khalad weyn oo dhinaca siyaasada ah markii uu dalka ka saaray saraakiil Ruush Iyo Kuuba iskugu jira taasoo badalkeeda ay Ruushkii Iyo Kuuba taageereen dawlada itoobiya, aakhirkiina dagaalkaa lagaga guulaystay Maxamed Siyaad, dagaalkii 1977 kii ayaa sababey inuu yimaado hoos u dhac dhinac kasta ah, 1978 badhtankiisii ayaa qaar ka tirsan saraakiishiisii isku dayeen inqilaab u Geystaan  Kacaankii Maxamed Siyaad Laakiin Wuu Fashilmay.

 1979kii ayuu c/laahi yuusuf sameeyay jabhadii ugu horaysay ee ka soo horjeeda jacaanka taa soo la odhan jiray S.S.D.F, oo xarunteedu ahayd itoobiya laakiin horaantii 1982 ayay bur-burtay, balse 1991 ayaa la sameeyay jabhadii SNM oo lagaga dhawaaqay carriga ingiriiska ee LONDON waxaana xaruun looga dhigay itoobiya,

 Kadib markii muddo ku sinayd tobban sanno oo ay dagaalo qadhaadhi dhex marayeen taliskii maxamed siyaad iyo jabhadii SNM,  iyo sidoo kale kacdoonadii kale oo kasoo hor jeeday taliskiisa haba u badnaato deeganadii Somaliland ayaa taasi waxay wiiqaday awoodii taliskii maxamed siyaad  barre waxaana bilawday inuu meesha ka baxo taliskii maxamed siyaad barre 1991 kii isagoo kaa soo ka talinayay soomaaliya muddo 22 sanno.

 

2.2: Tacadigii Kacaankii Siyaad Bare Ku Hayey Dadkan Iyo Dalkan

Kadib markii shacbiga Somaliland u adkaysan waayeen dhibaatada baladhaan ee uu ku hayo taliskii siyaad barre oo isugu jiray dil dhac, xadhig, kufsi waxaa sannadkii 6 April 1981 waxa magaalada London lagaga dhawaaqay ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed [SNM] ee lagaga soo horjeedey dawladdii macangaga ahayd ee maxamed Siyaad Barre. Ururkaasi waxa uu ka koobnaa siyaasiyiin, saraakiil ciidan, dhalinyaro iyo qaybaha bulshada qaar ka mid ah, isla markaa waxa culays dhinac kasta leh la saaray magaalooyinkii waaweynaa ee waqooyiga.

20 Februari 1982 waxaa dalka ka bilowday kacdoon shacbi kadib markii dil lagu xukumay dhallinyaradii UfO. Isla sannadkaasna waxaa baxay saraakiil ka tirsanaa ciidamada qalabka siday kuna biiray ururkii SNM, halkaasoo ay dagaal hubaysan kala hortageen taliskii Siyaad Barre, waxaana markiiba  la xidh xidhay madaxdii sare ee dawladdii Siyaasad Barre kaga jiraytey reer Somaliland, madaxdaas oo ay kamid ahaayeen Ismail Ali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib waxaa lagu eedeeyey inay yihiin qaran dumis waxaana iyaga iyo  saraakiishii kaleba lagu xukumay dil, isla sanadkaas,1982 waxa shaqadii ay kacaanka ka hayeen laga joojiyey dad gaadhayey 50,000 oo qof oo shaqooyin kala duwan hayey sida janano, aqoonyahano, dhakhaatiir, iyo ilaa shaqaalo hoosaad, taasoo ka mid aheyd tacadigii dadkan lagu hayey,

Sanadkii 1983 waxa bandoo lagu soo rogoy gobollada togdheer, hargeysa, iyo sanaag, waxaana dadka khasab lagaga dhigay iney guryaha galaan markey saacadu gaadho shanta galabnimo tahay kuna jiraan ilaa lixda aroornimo.

Sanadkii 1984 waxa lasoo taagey koox dad ah maxkamada  gobolka hargeysa, oo laga soo qabqabtey meelo kala duwan, iyadoo lagu eedaynayey kiis aan hore noociis loo arag, waxaan loo haystey iney u ‘’hogaan sami waayeen bandoodii lagu soo rogey habeenkii magaalada’’, halka laba nin oo kalena  loo heystey ‘’ ku qosle kabtan kufay’’, laguna xukumay dadkaas sannad xadhiga.

Sanadkii 1986 ayaa magaalooyinka burco iyo hargeysa ay hawlgalo ka fuliyeen ciidankii maxamed siyaad bare, waxaana si badheedha ah loo toogtey dad aan wax galabsan.

Sandkii 1987 ayaa waqooyiga magaalada hargeysa ku baxeen ciidankii koofiyad casta ahaa, waxay goobo kala duwan ku dileen dad beeralaya ah, oo ay ku doodeen iney SNM yihiin, dadkaa masaakiinta ahaa waxay u dhinteen SNM ayaad tihiin.

Sannadkii 1988kii  ayuu maxamed siyaad heshiis la galay mangiste-xayla maryam oo itoobiya xukumayay .heshiiskaa markuu soo saxeexay maxamed siyaad ayuu isagoo faraxsan soo maray safar dhinaca dhulka ah ,waxaanu soo galay gebilay .wakhtigaa magaalada  gebilay waxa lagu del-delay 20 qof oo shicib ah, kadib dadkii oo kacsan ayaa ku mudaharaaday, kadib wuxuu yidhi’’maxaa gebilay ku dhuusay’’ dadkii ayaa ugu jawaabay ‘’adigaa ku dhuusay’’

Isla sannadkaasi waxa dad lagu soo ururiyay xaruunta qaybta 26aad (guriga gaani) dad lagu sheegay 50 qof waxaan la isugu xidhay koox koox ,kadibna waa la laayay .

Sannadkii 14 July 1989 waxaa magaalada Muqdisho lagu xasuuqay 47 qof oo kasoo jeeday  reer Somaliland. Xasuuqan oo la magac baxay xasuuqii Jasiira. Dadkaas la xasuuqay oo u badnaa arday iyo macalmiin aan waxba galabsan, waxaa la qafaashay iaygoo guryahoodii iska hurda waxayna naftooda u waayeen cid ay kasoo jeedaan oo qudha.

2.3: Burburkii Kacaankii Maxamed Siyaad

sanadkii 1990 bishii 8/8, waxaa dalka Itoobiya ku kulmay ururadii mucaaridka ahaa ee SNM, USC, iyo SPM waxaanay ku heshiiyeen inay dagaal midaysan ku qaadaan taliskii Siyaad Barre si looga xoreeyo ummadda, 26 Janaayo 1991 ayaa madaxweyne Siyaad Barre ka baxay magaalada Muqdisho, kadib markuu ka dhacay magaala madaxda gadood shacbi oo taageerayaan ururkii USC ee uu hogaaminaayey Mohamed Farah Caydiid. 27 Janaayo waxaa iyadaan lagala tashan bulshada Somaliyeed madaxweyne ku meelgaadh ah loogu magacaabay Ali Mahdi oo katirsanaa kooxdii manifeestada.

 wirdaani@yahoo.com

Alpha Universty

Hargeisa Somaliland

Leave a Reply