Kulamo Mar kale Dhexmaray Wasiirro & Wax-garadka Deegaanka Xariirad oo lagu Gaadhay Is-afgarad Xal loogu Raadinayo Xurguf Dhex-martay Laba Beelood

Filed under: Featured News,Latest News |

Xariirad (BM)-Wasiiro ka socda Xukuumada Somaliland oo maalmihii  u dambeeyay Magaalada Xariirad u joogay waan-waanta xurgufu dhaxaysa laba beelood oo deegaanka wada dega, ayaa ka warramaya natiijada kulamo ay la qaateen madax-dhaqameedka iyo wax-garadka labada beelood ee xurguftu dhexmartay.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Cali Aw-daahir iyo Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Axmed iyo Madax-dhaqmeedka labada Beelood oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Xariirad, ayaa sheegay in labada dhinac wakhtigan u bisil yihiin xal u helista Xurgufta dhex-galla labada dhinac.

CABDI AWDAAHIRDr. Cabdi Cali Aw-daahir oo ugu horayn halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay natiijada kulamada ay la qaateen wax-garadka labada beelood, waxaanu yidhi, “Waanu wada-hadalnay labada dhinac-ba. Labada dhinac-ba waxay u bisil yihiin nabada, waxaanay isla garteen in wixii dhacay ay dhaceen, balse aanay wax danbe dhicin. Markii aanu wada-hadalnay waxaanu isla qaadanay in amniga la ilaaliyo iyagoo Illahay la kashanaaya iyo inaan aarkoosi iyo dil danbe halkaasi ka dhicin,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo intaas ku daray, “Waxaanu isla garanay in arrintan aanu warbixin u gayno Madaxweynaha, Wasiirka arrimaha gudaha, Golaha guurtida iyo cidkasta oo ku shaqo leh nabadda iyo sidii loo qaadi lahaa talaabada labaad ee aanu ku tashano marka aanu isu tagno. Waxaana runtii la doonayaa in arrinkan la soo af-jaro.”

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa iftiimiyey ahamiyadda ay nabadda iyo wada-noolaanshuhu u leeyihiin bulshada, waxaanu yidhi, “Sidii aynu nabadda u doono ayay wax inoogu dhamanayaan, kamana rejo-xumi oo kalsooni badan ayaan ku qabaa shirarkii aanu la galnay dadka degaanka, markaa waxaanu ka dareenay inay yihiin dad nabadda u heellan,”ayuu yidhi Wasiirka diinta iyo Aw-qaafta, waxaanu hadalkisii sii raaciyey, “Xukuumada dhexe, mid degaan, mid Gobal, Odayaasha dhaqanka ee labada dhinacba iyo Ciidamada ammaankuba waxa ugu muhiimsan ee aanu wada doonaynaa waa nabad. Nabaduna waa lama huraanka nolosha, waxaanan ku bogaadinayaa Culimada Diinta dedaalka ay nabada ka qateen”

Xubno ka tirsan wax-garadka deegaanka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa Madaxweynaha iyo cidkasta oo arrintani ay khuusayso ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto nabad-ku-soo dabbaalidda deegaanka Xariirad.

Leave a Reply