Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Idaacad FM ah Oo Khaas u ah Quraanka iyo Axaadiista

Filed under: Featured News,Latest News |

Hargeysa (BM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray idaacad cusub oo FM ah oo khaas u ah quraanka karriimka iyo Axaadiista Nabiga NNKHA oo lagu soo kordhiyay idaacadda Radio Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay furitaanka idaacadan cusub, ayaa dadweynaha ku bogaadiyay bilashada Ramadaan. “Shacbiga Somaliland iyo ummadda muslimiinta ah waxaan ku hambalyaynayaa bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ILAAHAY-na ha inaga yeelo inta soonka iyo cibaadadaba uu ka aqbalo. Bishani waa bil barakaysan, waana bil cibaadadu waajib tahay waxaana had iyo jeer ay culimaddu inoo sheegtaa inaynu ka dheeraano xanta, xumaha, xasadka iyo wax kasta oo ILAAHAY Inaga reebay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

madaxweynaha-iyo-idaacaddaMadaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay suurto gal ahayn in dadka qaar ay iska jidaystaan inay sharciyadda baal maraan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Suurto gal ma aha in dadka qaar jidaystaan inay mar walba la taagnaadaan aflagaado,been abuur iyo inay sharciga ku tuntaan xataa bishan Ramadaan. Maalmahanba waxaan saxaafadda kala soconay hadallo naxli xambaarsan , iyo hadallo xumaan xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in kasta oo ay dul-qaad muujinayaan, haddana aanay aqbali doonin in sharciga dalka lagu tunto, isaggoo arrintaasi iftiiminayayna waxa uu yidhi “Hadalladaasi waxay iskugu jireen kuwo toos loogu tallo galay in lagu dhaawaco deganaanshaha dalka, xasiloonida dalka iyo kuwo shakhsi cay ah. Dabcan annagu masuuliyad qaran oo culus ayaanu haynaa inaanu u dul qaadano waa lagama maarmaan, hase yeeshee waxaan shacbiga u sheegayaa inaanaan cidna ka aqbalaynin in sharciga dalka lagu tunto oo cid kastaaba wixii ay doonto iska samayso.”

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in idaacaddani ay bulshadda faa’iido balaadhan u leedahay, waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay oo uu ugu horeeyo Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Burcomedia.com

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply