Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeer Kedis ah ku Maray Xarumaha Hay’ado Dawladeed

Filed under: Latest News |

Hargeysa (BM)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay subaxnimadii kormeer kedis ah ku maray qaar ka tirsan xarumaha hay’adaha Dawladda, kuwaas oo ay ka mid yahiin Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, Madaarka Caasimada Hargeysa, Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa iyo Cisbitaalka Carruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

sawirrada warka kormeerka madaxweynaha (1)Madaxweynaha oo kormeerkiisa ugu kuur-galaayey hanaanka shaqo, shaqaale iyo Caafimaad ee hay’adahaas, waxa uu warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta kala duwan, waxana kormeerkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Goleyaasha Barlaamanka.

Intii uu Madaxweynahu kormeerka ku joogay Xarunta wasaaradda warfaafinta, waxa uu mid mid u galay xafiisyada waaxaha wasaaradaasi waxaanu warbixinno kooban ka dhegaystay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafiinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Agaasimaha guud Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Maareeyaha TV-ga Qaranka Md Khadar Xasan Cali Gaas iyo Agaasimayaasha waaxyaha kale ee wasaaraddu ka kooban tahay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale kormeerkiisa ku tagay Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay wakhtigan ka socoto dayactir sannadkii ugu dambeeyey lagu sameynayey, kaas oo wakhtigan gebo-gabo ku dhow.

MADAARKAMadaxweynuhu waxa uu sidoo kale kormeerkiisa kediska ah kaga dhex-toosay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu kula kulmay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, Waxaanu madaxweynuhu halkaas warbixin kaga dhegaystay maayarka Caasimadda Md Cabdiraxmaan oo muddo laba bilood ah hayey xilka maayarnimada Caasimadda.

Kormeerka madaxweyne Siilaanyo ku tagay Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa noqonaya markii labaad intii uu talada dalka hayey ee uu indho-indhayn ugu tago hawl-maalmeedka ay Golaha deegaanku u hayaan Shacbi, waxaanu kormeerkiisii ugu dambeeyey ku tagay Dawladda Hoose 2-dii August, 2012 wakhtigaas oo uu Xilka Maayarnimada Caasimadda uu hayey Guddoomiyihii hore ee Golihii deegaanka xilkoodu dhammaaday Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

Sidoo kale, Waa markii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo Kormeer hawleed ku maro Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, waxaanu markii u horreysay kormeer sidan oo kale ah oo uu ku maray Wasaarado dhowr ah oo Xukuumaddiisa ka tirsan, ku tagay Xarunta Warfaafinta 2-dii September, 2011 wakhtigaas oo uu kormeerkiisaas Xog-waraysi kaga dhegaystay Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo wakhtigas ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ka war hayn Bulshada iyo Hay’adaha kala Duwan ee DalkA,  waxa ku wehelinayey WasiiruL Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha MD Cali Axmed Cali, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gen Faysal Kaamil Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdiaahi Fadal Imaan

Si kastaba ha ahaatee, Xarumaha uu shalay madaxweyne Siilaanyo booqashada ku maray, ayaa dhammaantood ah hay’ado fuliyo Adeegyo ay bulshadu si xooggan ugu xidhan tahay, waxaana lagu tilmaami karaa hay’ado fadhiidnimadoodu saamayn ku yeelan karto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Leave a Reply