Somaliland: Qaran Iskii Isku Caashaqay! – Faallo: Abdifatah Sh.Nuux Jaamac (Suldaanka)

Filed under: Articles-Maqaallo |

Axmed-nasri-231x300Faa’iidada uu qofku ka helo waayo-aragnimada mudadii uu soo jiray, mid u dhiganta ayay umaduhuna ka helaan cibrooyinka taariikhdii soo martay. Hadaba, aan hadalka ku bilaabee In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah  xus & xusuus, jiilasha danbena u ah dhiirigelin, yididiilo iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18 May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashaasi. Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido qarankan, iyo muhiimada ay u leedahay.Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.Wakhti badan ku lumin mayno inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, hadaba dib ula soo noqoshadan xoriyadu  waxay dhashay oo ay hooyo iyo aabo is huwan u noqotay qarankan yar ee curdinkaa ee sida shamaca uga dhex ifaya mandaqad holac ka baxayo oo hareeraha kaga xeeran,   intaasi hordhac ha iga ahaato, aan u soo daadagno oo aan gudo galno maqaalkeena.Somaliland waa qaran iskii isku magacaabay oo aan caalamku wali aqoonsan, balse maalin maalmaha ka mid ah naawilayaya inuu helo aqoonsi caalamiya, hadaba baryahan danbe ayaa waxaa dhagahayga ka batay mucaaradad fara badan oo ay isku hayaan cidii lagu aaminay talada dalka iyo xisbiyada muraacadka ahi, taasina waxay hal bacaad lagu lisay ka dhigaysaa hamigii, hankii  iyo himiladii ay umadani lahayd ee ahaa inay sayladaha caalamka u suuq gayso qaranimadeeda, hada iyadoo ay sidaa tahay, ayaad arkaysaa siyaasiyiinta qarankan ee xilalka loo igmaday oo  iyagu ku mashquulay waxaan danahooga ahayn, kuwaasi oo ay ka mid yihiin safaro gaagaaban oo ay ku dalxiis tagayaan iyagoo danahooga gaarkaa  soo fushanaya iskana dhigaya  inay u soo  adeegayaan qarankan, sidoo kale waxaa jira xubno  xukuumada ka tirsan oo ku mashquulay ka jawaabida hadalkasta oo jaraaíd lagu soo qoro ama TV laga idhaahdo, waxaa ugu danbaysay sawirkii faysal cali waraabe uu la galay madaxda somaliya oo xukuumadu aanay u kala hadhin madax iyo mijo iyadoo aan garan waayay waxuu daaraa sawirkaasi, xukuumadu waxay samaysatay oo ay leedahay af- hayeen u hadla kaasi oo ka jawaaba wixii dhaliiilaa ee xukuumada loo soo jeediyo se waxaa damiirkaygu garan waayay waxa ay xukuumada oo dhami iska garab cararto, aan ka gudbo taasi, hadafkeenii ma wuxuu noqday inaynu inagu iska dhamaan wayno oo aynu hore u socod yeelan wayno, oo aynu caalamka ka iibin kari wayno qadiyadeena waa halkii ninkiiye “Ma Inagii Cali Geriga Ahayn Ayuun baa Isku Askariyeyna”. Meeshan ma inaga uunbaa is qancineyna mise waxay tahay inaan caalamka ku qancino inaynu nahay qaran jira oo xoriyadiisa dib ula soo noqday, maantana dunidan ka mid ah oo cagihiisa ku taagan,waxa loo baahanyahay inaan ka baxno intan yar ee aynu ku meereysaneyno oo aynu la nimaadno wax aan dadka kale ka iibino ama ha noqoto Somaliya inteeda kale ama aduunkabee. Luqaddii lagula hadli lahaana  meesha keeno. Diblomaasiyaddii ay u baahneydna  aan la nimaadno. Waxan inta badan aan sheegnaa inaga uunbuu macne inoo sameeyaa balse seyladdaha  wax la isku weydaarsado ee siyaasadda caalamka kama iibsamayo. Calaamka lagama dheelo dalkan dhiigbaa loosoo daadiyey iyo waa loo soo halgamey toona., wadan kastaa wuu ogyahay wixii la inoo gaystay oo maanta caalamku waa xaafad kaliya,Waxaase  keliya ee wax lagu kala iibsadaa waa “Wax Kuu Dana Ayaanu Hayaa Oo An Kuu Fulinayaa Ee Adna Taayada  noo Fuli” haddey taa tahay, Waa maxey danta aad u heyso Ingiriiska ama Faransiiska ama mareykan amase imaraadka carabta amaba Itoobiya amaba soomaliya ? wali siyaasiyiinta Somaliland ma ka hadleen qorshaha u dagsan ee caalamka loo bandhigayo mise inaga ayuunbaa isugu sheekayna ictiraafkii wuu soo dhowyahay iyo wuu soo socdaa, labaatan sano ayaynu ahayn qaran jiree wali ma aragteen qorshe loo dhigay oo lagu doonayo ictiraaf, mase aragteen inagoo sayladaha caalamka marna la tagnay wax inaga soconaya, waa mar shir la inagu jujuubo iyo mar aynu nidhaa noo dan maaha iyo mar wax aynu ku jawaabnaba garan wayno, waxaan leeyahay hadii aynu xadhkaha iyo Giitaarada caalamka  aynu  garaacayno goobtan lama fadhiyeen labaataneeyo sano  ee meel cagaar leh ayaynu degenaan lahayn cagahana cagaarka ayaynu la geli lahayn,ahadaba cidii fahmi lahayd inuu qarankani u baahan yahay qorshe cad tallow waayo anigu garan waayaye, ma dadka soo dhalan doonaa mise waa dadka aakhiro jooga ,horta cida kula fahamaysa waa ayo? Qarankeenu miyuu garan waayay saddexdan kalmadood ee kala ah:

1-Fahan Waxaad Iibinayso

2- Cida Kaa Iibsanaysa

3- Garo Wixii Aad Ku Bedelan Lahayd Haday Kaa Socon Waydo.

Anigu walaac badan waxa uu iga hayaa sida aan dadkuba iminka u dhageysaneyn qofka wax sii sheega ee yidhaa hawl ayaa inagu soo socota oo loo arkayo balaayo sheeg. waxa laga door bidanayaa mid mirqaan la soo kacey oo ku sheekeynayaa waxba inagama khuseeyaan,Shicibka intii taagtiisa aheyd wuu  dedaaley xamaasad muuji oo waataa aad arkayso iyagoo calankoodii dhexda hadh iyo habeen ku xidhan calamaantana ruxaya iyagoo ku dhawaaqaya goobta aad tagtaba Somaliland, laakiin siyaasiyiintii  dalkan u kacdey dedaalkaa ayay u turjumi kari waayeen qorshe siyaasadeed ( Strategic Plan )  oo meel wax lagu mariyo. Siyaasiga aad la kulantaa kuu sheegi kari maayo wax ka duwan inta aad ka maqleyso xamaalka  suuqa  jooga iyo intii uu sheegayay siyaasigii 20 sano ka hor  kursiga fadhiyay, waa isku af, waa isku erey, waa isku hami, waana isku ujeedo, hadaba xukuumadan talada haysaa maxay ka damacday aqoonisigan ay  Somalia heshay maxaase qorshe ee ay ka dhigatay

 

AQOONSIGA SOMALIYA AY HESHAY

Hadaba Tan iyo intii ay Somalia soo jirtay malahayga tan ayaa awoodii iyo taageeradii ugu fara badnayd heshay, sababtuna  waxay ahayd uun in maanta caalamku u gartay in kalsoonidooda ay u qalanto cida ay siiyeen, hubaal weli may degin Xamar oo intaa dad ayaa lagu dilayaa, lagu dhacayaa,lagu qafaashayaa, lagu qalanayaa, laguna qarxinayaa , lamana odhan karo wey xasiloontahay balse wey ka go’antahay caalamka inuu taageeradii ugu faraha badneyd  siiyo si ay amaanka ugu sugto, dhaqaalaha u kobciso, wixii caawimaad ahna ugu fidiso ilaa iyo intay isku filaansho gaadheyso, kollay sawirka halkaa ka muuqdaa waxa weeeyi in xitaa la soo celiyo waxa ka maqnaa ee xasilooni darradu keentay,maaanta tan dhacday waxay ku xigtay markii ay Hay’adaha qaramada modoobay ay yidhaadeen xarumo ayaan ka furaneynaa Muqdisho maantana tan ayaa ku xigtay berrina ta xigta waa in laga sii baaraan dago waayo macquul maaha uun hadii fikir xeel dheer ka yeelan weyno is badalka maanta ku yimid mandaqada iyo awoodaha fara badan ee ay ka heshay  caalamka dawladan aan gu’ jirsan xataa. ma odhan karo kamaynu hadal arrinta ictiraafka mana odhan karo saameyntiisa kamaynu hadal balse su’aashu waxa weeyi in intee in leeg ayaynu ka hadlnay,  intee in  leeg ayaan maskaxda  ka baadhnay caqabada ay inagu keeni karto ictiraafka somaliya, Waxa la yidhi qofka wax curiyaa ama maskaxda badani  kuma koobnaado  uun masalada loo dhiibo oo jawaab qudhaata yeelata balse wuxu isku dayaa inuu kolba dhinac u rog rogo oo jawaab ka gedisan kala soo baxo.Somaliland cadaadis ayaa ku socda ha noqdo mid la xidhiidha gooni isu taageeda iyo mid ka dhashay ka qayb gal la’aantii shirkii London ama siyaabo kalebaha  ha noqotee waa inaynu u feejignaanaa hadana  ka fikirnaa in la yeesho istaarijiyad Cad ( Strategic Plan )   oo ku saabsan doorka aan  ka ciyaari karno arrimahan inala soo darsay iyo kuwa inala soo darsi doonaba mustaqbalka dhow  waana mid loo  baahanyahay,shaki igagma jiro oo Waa Hubaal in Culays badani ay inagu  soo kordhin doonto Dawladan Rasmiga ah ee Somalia,Madaxdeeni iska fadhiyi jirtayna hawl culus ayaa u soo korodhay,Hadduun bay siyaasadii Aduunka is waajahayaan , hadaba inuu gaabis ku jiro siyaasiyiinteena waxaad ku garanaysaa  Maalintii dawlada soomaaliyadan Cusub la aqoonsaday Masuul keli ah  oo xukuumada Somaliland  ka tirsani si qurux badan ugamuu hadlin.Masuul kastaa wuxuu lahaa aqoonsiga soomaaliya Inama Khuseeyo.Qaar kale waxay lahaayeen Somaliya immika lama aqoonsan, Cidiba isma waydiin Cadaadiska adduunyada Inagaga iman kara.  halkii wax la iska waaydiin lahaa, ayaa madaxdeenu inoo soo horaysiisay “Inama Khusayso”.Waxaa siyaasiyiinteena isaga qaldan waxa loogu talo galay dadka gudaha jooga in  lagu jeediyo ( Local Consumption)  iyo waxa dhabta ah ee ay tahay in laga gaashaanto ee la wajaho. Durtaba waxaynu arkaynaa ifafaalaha iyo dareenka wasiirka duulistu ka bixiyay duulimadyada qaramada midoobay, miyaanay ahayn in Bari hore  laga sii tabaabusheysto arimaha noocan oo kale ah islamarkaana hawlo adag loo galo, wa la garaneyay in ey Qaramada midoobay (UNtu)  waxbadan oo cadaadis ah ina saari doonto, wali fari kama qodna kuwo kale oo badan ayaa soo socda haddii aaney maamulkeenu dadaal badan sameynin qorshe cadna la iman, miyaanay ka dhignayn Dawladeenu inay u dhaqmayso  Sidii Ninkii Indhaha La’aa Ee Sugayay Inta Usha Lagu Dhufanayo. Waxay ahayd in qorshe siyaasadeed cad (Strategic Plan) guud laga lahaado arrimaha ka soo fool leh Xukuumadda Somaliya ee Muqdisho inta kolba tallaabo ay qaadeen laga daba tagayo. Tani waaxay ina tusinaysaa  runta oo laga seexday xili danbe oo qabtu inagu dhacday aan soo baraarugnay,  Miyaynaan odhan Karin Waxaynu caadaysanay Go’aano aan la darsin, iyo ficilo (Reactions) gole ka fuul ah. Runtii waxaan qabaa xukuumadeena waxani kama aha garan waa, ee waa badheedh, iyo sabab kale doon, barri waxay odhan doonaan waanagii caynkaas iyo cayn kaas nidhi. Sidaan sheegay wali fari kama qodna, wax badan baa soo socda, waxa dhici doonta dhawaan hadii aan laga gaashaaman in cirka iyo dhulkaba laga  inaga maamulo somalia, waxa iman doonta in laynaga waraabiyo oo biyaha laga maamulo koonfur, oo aanad talaabo qaadi karin, cidii caalamka ka socoto ee inoo soo muraad doontana  ay koonfur inoo soo mari doonto , Horaa loo yidhi “ Ninkii Seexdaa Siciid Dibi Dhalay”, runtii Dadka maanta maamula somaliland waxay ku mahquul yihiin wax kale oon maanta inoo muuqan, marnaba kama fakiri karaan sida looga gaashaaman karo hawlahaa soo kordhaya, ee maalin walba ina hor imanaya.Miyaa xisaab ta lagu daray in Barri ka maalin Telefoonada la inaga  xidhan karo,ooy khadka iyagu leeyihiin, waxaan ku soo gabagabaynaya Maqaalkaygan Siyaasadan Gole Ka Fuulka Ah Ina Wadi Mayso !waxaan taageersanahay fikirka odhanaya  in wax badan laga sii hor tago ,Ummadani uma taag hayso Budh kolba madaxa kaga dhaca iyadoon filayn waana wixii hore inoo geeyay xamar, waxaanan leeyahay  Go’aanka ay xukuumadu qaadatay waa mid  munaasib ku ah sida wax u dhaceen, Waraabihi waraabaha qaniinyada baray wuxu yidhi   Waa Sidaasoo Lagu Xejiyo ”– Wax kasta oo yimaada Go’aaan ka aynu ka qaadano haddu fiican yahay waynu ka badbaadi khatarteeda, hadii se aynu ku sii jirno hurdadan dheer  waxaynu noqon“ Lax Dhunkani Col Iyo Abaartoona Ma Oga ”.

 

Qalinkii : Abdifatah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka )

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

MBA Student in Jomo Kenyatta University

Leave a Reply