Ummaddan baahan – W/Q: Ridwaan Dalxa

Filed under: Articles-Maqaallo |

dalxaUmmadaan dadkeeda hanan, dhalinteedu fikirin,

 runtii waa ummad baahan oo aan la garaneyn

meel ay u socoto iyo meel ay ka socotaba….<H/K; Ridwaan <dalxa>

Waxa ayaan darro ah oo maanta indhahaygu qabteen horena u hayeen aragtiyo badan oo aan u malaynayo in iska indho tirideedu ayna jirin waxay inoo soo wadaa, waase dib u dhac ka muuqatada indhaha soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Ka hadli maayo caadifadaha qalbiyadeena ku mudan ee aynu meelkasta  la fadhino iyo xanuuno badan oo inagu qarsoon, waxaan isku dayi doona intii jiraalkayga ah in aan soo kobo galiilyo aan muddo badan aan la jiifay waxyeeladeeda.

Waxaan geddigeen wada oganahay in maanta soomali meel ay gaadho iska daaye gudaheedii dayacsan yahay haday tahay mid dagaalo ka socdaan oo danooyin gaar ha ka jiraan, mid siyaasad iyo abla-ableyn dadkii ku dawakhisay, mid dhaqan doorsantayba oo ka tagtay afkii iyo asalkoodiiba iyo kuwo kale.

 Waxaa muuqada indho meelo fog-fog ka bildhaamaya oo cidii tamarin lahaydna baahiyo kale u tafo-xaydan tahay, waxaa muuqata in dayacaasi uu yahay mid dabaqad hoos oo liidata ku riday ummada somaliyeed meelkastoy joogto waana arrin qomamadeedu ay ka dhex guuxayso dadyow badan laakinse ayaan darada haysataa ay tahay laba ariimood mid ahaan;

  • In daneysi jiro dadkan iyo ummadan ba ka mudan oo aamus ku riday taasina ay tahay liidasho aanad islahayn cidbaa kula og.
  • In awoodi aanay jrin aad wax ku soo bayaamin karto ama cid waxkaa qadanaysaba aanay jirin.

Soomali maanta iskadaa inay wax istartee waxay aamintay in qayadeedi loo fadhiyo, maaha mid ay cid gaar ahi ku qancisay ee waa darajo ay dadkii, dhalintii ummad fikirkeed lahayd ay maanta halkaas is geysay.

Waxa laga yaaba in aad saluugto erayadaydan adigoo dhinac kaliya ka eegaya, waayo nabaradan aan sarayaa ah kuwo damaq badan oo ku quxur badan in aan la taaban, waase ii cuntami weyday in aan ka aamuso.

Waxa liidasho kale sii ah iskadaa in aynu hiigsano wadamo boqolaal sanno soo tabcaayey, in la gabbay oo laga doorbiday nin-duub-cad ah beer yar oo sedex hector ah oo uu ka beeray galey, hadhuudh, qamidi, iyo waxaan dhaamin oo bacarimiyayaal lagu abqaalay kugu qanciyo in aanad waxba lasoo bixi karin adigoo haysta dhul nafaqo iyo macdan illahay ku maneysatay.

Waxaa wax lala yaabo noqotay ummad hamigooda uga sareeya yahay reer hebel iyo reer hebel side xilka uga qaadna, sideen madax u noqonaa, sidey reer hebel ugu bataan talada wadan ka iyo fikir aan intaa dhaafsiisneyn, waxaynu ka dhigney fikirkeeniba mid aan dhaafsiisneyn qabiil iyo qabyaalad iyo waxaan dhaamin.

Iska dhaaf in muruq laynagu guumeysto oo lagu yidhaahdo “iskadaa waxba ha falalinee, hoo qamadigan iyo saaliidan baa kaga caafimaad badane”, waxay maraysaa in maanta maskaxdiina laga guumeysto, meel ummad laga gumeystana waxa ugu daran in maskaxda laga qabsado, iyadoo loo adeegsanayo fikir iyo mabaadi la aaminsan yahay.

Ummadi waxay ummad ku dhaaftaa waa;

  • Fikir
  • Mabda’a ay aaminsan tahay oo ay horumariso
  • Muruqeeda oo ay maasho
  • Wax soo-saar ay yeelato
  • Dadkeedo wax barta
  • Jiilasheeda oo ay ku bar-baariso siddi ay wax u bedeli lahayeen iyo kuwo kale

Halkaynu maranaa ma nahay dad ama ummad intaaba laga helay, iskadaa in laynaga helee waxaanu aaminay in aynaan waxbaba qabsan karin.

Arriinta kale ee in laga dhiidhiyo mudani waxay tahay, inaad aragto ummad dadkeedii aqoon yahan ka ahaa ay yihiin kuwo u hanqal tagaya dano kale, wax garad keenii uu yahay mid aanu fikirkoodu dhaafsanayn qabiil, culimadeeniina waxay noqotay kuwo markasta ka indho qarsaday eraygii xaqa ahaa kana gaabsaday, halka kuwo kalena ay yihiin kuwo daneysi ka dhigtay diintii illahay soo dejiyey.

Waxa kale oo aan qaadan waayey in wadaad keeni ugu cilmiga roonaana, lagu tuhmaayey isbedel ama waxqabad laga dhaadhiciyey inuu yahay magac niman ujeedo lihi u bixiyeen oo ah xag-jir, oo haddii nin wadad ahi xil ku soo fadhiisto aad aaminsan tahay inuu yahay xag-jir, ma isweydiinay wuxuu u taagan yahay mgacani iyo ujeedada ku lifaaqan?

Waxay soomali is badan ka dhiidhiday kala dagaalantay in badan sidii ay gumeystihii haystay isaga kicin lahayd si ay xornimo hesho, wayse ku guuleysatay in cuduheed ay maasho iskana kiciso cadawgan ku habsaday.

Waxaanse leeyahay gumeystihii waqtigaa ku haystay ee aad muruqa u sheegatay inuu weli sidii muruqii kaga gumeysto, marku ku yidhi waxaan ahay hayada gar-gaarka, hayada sama-falka, hayada mucaawinada., marku ku yidhi waxaan ahay hayada gar-gaarka, hayada sama-falka.

Waxaad mooda in caqligiina laynaga qaatay, markaad ku qanacday quudin gacan kale markaad aamini weyday allihii kugu deeqay dhulka aad sheeganayso leedahayna naa maamula, laakinse tacabkaagi ku gabay.

Markaa ma sidaasaynu ku quus go’nay mise waxa jira rajooyin dib loogu soo nooleyn karo, magacaagii, muruqaagii, maankaagii aad lumisay, mise sidaasa inoo wanaagsan hadaynu nahay soomaali? Waa su’aal aan uga tagayo qof kasta oo dareensan dhibaatadan ina haysata iyo godka madaw ee aynu ku jirno.

Waxa laga yabaa inaad saluugto mar labaad eraydaydan waayo waxaan wax ka sheegay ishaadii dhaqaale ee aad dheefsanaysay, waxaanse ku leeyahay quudkaagu waa mid ku jira inaad maskaxdaada iyo muruqaagaba aad dadkaaga uguga faa’iidayso adna aad kaga faa’idaysato.

Waxay in badan indhahaygu qabteen in maanta wiilkasta oo cilmi lihi uu yahay mid cilmigiisii ku iibsaday duunyo isagoo dalkiisii u ooman yahay isla mar ahaantaana iskala ham weyn inuu dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisab waxtaro, iyadoo ay jiraan dad aanu nasiibku u qorin inay jaaniskaaga oo kale helaan dadkaasina ay yihiin kuwo maanta u baahan in la tabaaleeyo.

Waxa laga yabaa inaad mar sedexaad saluugto qoraaladaydan, aan inta badan ku eegay dal-dalooladeena, waxaanse markasta ku leeyahay haddii ayna soomali ahayn dad lahaysto oo muruq iyo miirba lagu guumeystay, maxaa ka dhigay dad mar kasta awoodoodu ku hoos jirto dad kale, maxaa ka dhigay dad bilaa fikir ah, maxaa ka dhigay dad weli ku hoos jira oo aan ka xoroobin gacmo shisheeye. Maxaa ka dhigay daneystayaal dalkoodii yio dadkoodiiba lagu diray? Waa su’aalo cidii daneynaysa danta soomali aan u dhaafayo

Waxaan maqaalkaygan ku soo afmeerayaa;

War waxa loo bahan yahay dad hami iyo qami leh oo hiigsi iyo hadafna leh rumeyn karana himilooyinkooda.

 

Afeef: qoraaladaydan waa kuwo ka madhan dhamaan cadifad iyo wixii la halmaala, waa kuwo cid gaar ah aan khuseyn ama shaqsiyaad cayiman intaba.

Email : ridwaan_99@hotmail.com

Leave a Reply