Baaq Nabadeed Oo Beelaha Sacad Yoonis Iyo Biciide Ee Ku Nool Magaalada Sheffield Ay Wada Jir U Soo Saareen .

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Waxaa maalintii Shalay ee bishu ay ahayd 23/08/2013, Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska
baaq nabadeed wada jir uga soo wada saaray labada beelood ee Sacad Yoonis iyo Biciide, iyaga oo daba socoda ama ka xun dhacadadii dirirta ahayd ee labadaasi beelood ku dhex martay aaga God-heeli.

Colaadaasi ama iska hor imaadkaasi oo ay dhaleeceeyeen waxa ay ku tilmaameen mid aan loo baahnayn isla markaasina aan la filayin in ay waxan oo kale dhacaan, iyaga oo ku baaqay in ayna arintan oo kale mar danbe dhicin isla markaasina tacsiyadeeyay intii ku dhimatay, waxa ay sidoo kale tacsi u direen qoyskii uu ka baxay Suldaan Bare Warsame Shire oo isga oo colaadaasi awgeed u soo gurmanaaya u geeriyooday.

Hadaba baaqu waxa u dhignaa sidan .

1- Labada beelood waxay tacsi si wada jira ugu dirayaan Suldan Barre
Shire Warsame, iyo dadkii ku geeriyooday Shaqaaqada
2-Waxay ku baaqayaan nabad iyo in colaadda la joojiyo
3-in waxii khilaaf ah wada hadal lagu dhammeeyo
4-in wixii nabadda wax u dhimaaya dhan looga soo wada jeesto
5-in lasoo celiyo kalsoonidii labada beelood
6-in shuruud la’aan lagu aqbalo baaqa nabada ee meel kasta ka imanaaya
gudo iyo debedba.

 

Wabillaahi Tawfiiq

Beelaha Sacad Yoonis iyo Biciide, Sheffield.

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply