Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Qaar Ka Mid Ah Wariyayaasha Bahda Saxaafadda Ee Gobolkaasi Oo Fooda Is Daray.

Filed under: Latest News |

 

Burco-(BM)-Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji ayaa Kulan Qado sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala Saxaafadda gobolka Togdheer.

 

Kulanka oo ka dhacay Hoteelka Ramad ee magaalada Burco oo ujeedadiisu ahayd sidii ay Badhasaabka iyo wariyayaasha gobolka  Togdheer isu baran la’aahyeen sida uu Xamarji sheegay isla markaana ,dhinackastaa waajibaadkiisa shaqo u gudan la’ahaa ,ayaa waxa ugu hore ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Togdheer  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa . “ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aynu maanta kulano maadaama aynu gobolka u wada shaqayno ,Inkastoo ay Wariyayaashii qaar ka mid ahi maqanyihiin ,markaa waxa loo baahanyahay in aynu is barano oo wararka aad gudbinaysaan ay noqdaan kuwo xaqiida ka turjumaaya “ Hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen kuwii Xamarji Kulankaasi ka jeediyay.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Wariyayaal ay ka mid ahaayeen Cabdisalaan Ilkacase ,Bashiir Ibraahim Qayir ,Maxamed Cawad Maxamed,Cabdisataar ,Mustafe Cismaan Iyo Axmed Muuse Sakaaro oo ka mid ah Bahda Saxaafadda ee gobolka Togdheer waxaaney Badhasaabka ku wargaliyeen in uu meesha ka saaro wixii dhaaf-siisan Qado sharafta iyo Isbarashadda ,maadaama ay shaqadooda Suxufi-nimo u madax-banaanyihiin gobolkana ay wada-joogeen .

 

Geesta kale  Kulankan oo ay dodo adag isku waydaarsadeen Badhasaabka gobolka Togdheer iyo Wariyayaasha Saxaafadu ayaa markii danbe waxa laysla qaatay in labada dhinac uu dhinac kastaa shaqadiisa qabsado madax-banaani ,si gobolka loo horumariyo adeegyadiisa iyo codka bulshadda .

 

 Kulankan oo noqonaayay kii ugu horeeyay ee ay badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Wariyayaashani ku kulmaan ayaa waxa , aan ka soo qaybgalin qaar ka mid ah Wariyayaasha ugu Tunka weyn Saxaafadda Gobolka Togdheer ,Sida Wariyayaasha Hon Cable TV ,Universal TV ,Haatuf , Qarannews iyo waliba qaar kale ,kuwaasi oo gudanaayay waajibaadkooda shaqo..

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply