Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Aan Xafiiskiisa Ka Soo Xaadirin Iyo Dadweyne Cabasho La Hortegay .

Filed under: Latest News |

Burco-(Bm)-Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji iyo masuuliyiintiisa gobolka oo mudooyinkii u danbeeyay dadweynaha reer Burco Farta ku gudayeen hawlahooda shaqo  ayaa  ka soo xaadiri waayay Xafiiskooda Burco .

 Sidoo kale xarunta maamulka gobolka Togdheer ayaa waxa Saaka is hordhoobay oo cabasho la hortagay dadweyne halkaasi hawlo  kaga xidhnaayeen ,kuwaasi oo iskugu jiray masuuliyiin kala socday Hay’ado iyo qaybaha bulshadda .

Dadweynahan gobolka hawluhu kaga xidhnaayeen oo Salaadii Duhur loogu eedaamay sidii ay Badhasaabka u sugayeen ,cidina ay ugu iman wayday ayaa masuuliyiinta maamulka gobolka Togdheer ku tilmaamay in ay caado ka dhigteen in ay Xafiiskooda ka maqnaadaan ,shaqooyinka bulshada kaga xidhana  dayacaan  mudooyinkii u danbeeyay sida ay Shabakadda Burcomedia u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkaasi .

Geesta kale cabashooyinka shicibka ee ka dhanka ah Badhasaabka gobolka Togdheer ee mudayac-nimada ah ayaa bilihii u danbeeyay isa soo taraayay ,waxaaney ku eedeynayeen Badhasaabka in uu Hurdo iyo Safaro u gaar ah ka bixi-waayay isla markaana hawlihii shaqo ee loo igmaday  ka gaabiyay.

Maaha markii u horeysay ee ay dad cabasho la hortagaan xarunta Badhasaabka gobolka Togdheer.

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply