Bunka Iyo Shaaha Oo La Sheegay In Ay Ka Hortagaan Xanuunada Ku Dhaca Wadnaha.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Burco(BM)-Daraasad ama Baadhitaano ay ku sameeyeen dhaqaatiir dalkaasi Holland ayaa sheegaysa in Cabida maalintii dhowr koob oo Shaah ama Bun (Qaxwo) ah, ay ka hortageyso cuduro fara badan oo ku dhaca Wadnaha.

 

Baadhitaankan oo socday mudo 13 sanadood ah ayaa lagu ogaaday ka hortaga ay leeyihiin Cabida labadan ee dadku aadka u jecel yihiin ayaa lagu soo waramayaa in ay lee yihiin waxtar caafimaad, qofkii maalin kasta caba lix koob oo Shaah ah, ayaa la xaqiijiyay in 30% uu hoos u dhacayo wadna xanuun haleela, sida uu hubiyay baadhitaankan oo lagu sameeyay 40,000 qof, sidoo kale dadka caadaysta cabida laba ilaa saddex koob oo Qaxwa ahna la ogaaday in uu hoos dhacayo khatarta kaga iman karta wadnaha.

Hay,ada Ellen Mason British Heart Foundation ayaa xaqiijisay in Bunku ama Qaxwadu leedahay hoos u dhigida khataraha xanuunada wadnaha ku yimaada, sidoo kale Baaritaano uu sameeyay Journal of the American Heart Association ayaa isna xaqiijiyay in dadka caba laba ilaa afar koob oo Bun ah uu hoos u dhaco 20% khatarta ku iman karta wadnahooda.

Dhamaan baadhitaanadan ayaa waxa ay ka midaysan yihiin in cabida Shaaha iyo Bunku ay hoos u dhigayso in uu kugu dhaco wadna xanuun, si kastaba waxa khubarada Caafimaadka ku xeel dheeri isaga mid yihiin, in caafimaadka dadka ay door ku leeyahiin cunada iyo cabitaanka uu caadaysto.

 

Waxaa jirta dadka qaarkood inay cuduro u sababto cuntada ay cunaan, sidaa daraadeed natiijada daraasadan waxay ku qotontaa dadka aan dhibsan ama aaney ku sababayn wax xasaasiyo ah.

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply