Dadweyne Badan Oo Reer Burco Ah Oo isku Diwaangaliyey ka Qaybgalka Shirkada Kaluumaysiga Ee Pontus Marine.

Filed under: Latest News |

Burco(BM) Shirkad ka shaqayn Doonta ka ganacsiga kalluunka oo magaceedu yahay Pontus Marine ayaa Caawa Kulan Balaadhan ku qabtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer .

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin Xukumada Somaliland ka tirsan Xildhibaano ,Aqoonyahano, dadweyne, Ganacsato, iyo Maamulka Shirkadaasi ayaa lagu qabtay Hotelka Barwaaqo ee magaalada Burco .

Kulankan ayaa markii hadalo ku saabsan Ujeedada shirkadan iyo Sidda loo maalgashanaayo laga jeediyey, ayaa waxa is diwaan galiyey oo sheegay in ay doonayaan in saamiyo ku yeeshan 76 Qof oo ka soo jeeda gobola Tog-dheer.

shirkadan oo ah nooca Saamileyda , taasi oo la sheegay in maalgalinteedu ku bixidoonto $5 Milyan oo dollar, waxana ka qayb galikara qof kasta oo reer Somaliland haddii uu dalka gudihiisa ama Dibadiisa joogo, saamiga ugu yarna waxa lagu sheegay in uu yahay 500 oo dollar.
Sidaasi waxa sheegay Maamulaha Guud ee Shirkadaasi Pontus Marine Axmed Abokor waxaanu xusay in maalgalintani tahay mid macno weyn ugu fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in shaqo abuurna u sameynayso illaa dad ka badan 400 oo qof.
Waxa kale oo uu u mahad celiyey dadka Reer Burco sidda quruxda Badan ee ay u doonayan in ay uga qaybqaatan Maalgashiga dalkooda, isaga oo Xusay in tirada dadka is diwaangaliyey ay rajo weyn ku abuurayso, waxaanu xusay in dadku waxa wada lahaadan ay tahay mid muhiim ah.
Maamulaha shirkadaasi Axmed Abokor oo ugu horeyn ka hadlaya Hawlaha kala Duwan ee shirkadu qabandoonto waxaa uu yidhi.

“Shirkada Kaluunka Pontus Marine waa shirkad ka hawlgalidoonta Somaliland, lakiin ka diwaangashan dalka UK, lakiin waaxanu imika ku guddo jirnaa siddii Somaliland uga diwaan galin lahayn, shirkadana waxa ku bahoobay khubaro caalami ah kuwaasi oo khabiiro ku ah dhinaca dhaqaalaha, ka faa’ideysiga khayraadka badaha, Suuq geynta kaluunka, iyo xidhiidhada caalamiga ahba, waxa kale oo ka hawlgali doona dadweynaha Somaliland, waxa kale oo aynu doonaynaa in kaluunkeenu uu suuqyada caalamka kula baratano Kaluunka kale, shirkadana waxa Guddomiye Guud ka ah Mr.Heleri Beligam waa wasiirkii xidhiidhka Afrika ee hore UK, isaga guddomiye ka ah, ”Ayuu yidhi Axmed Abokor.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Shirkadan kaluunka Waxa Xarumaheedu Noqon Doona Magaalooyinka Berbera iyo maydh, waxa kale oo ay shirkadu xafiisyo ka furanaysaa Magaalooyinka Hargeysa Berbera, burco, waxa kale oo hore Xarumo ugu lahayd UK Magaaloyin ka mid ah, iyo dalalka Maraykan iyo ustareeliya iyo carabta Shaqaalaha ka shaqayn Doona ugu yar waa 400 oo qof, runtii reer burcona ay ka qaybgalidoonan shaqaalahaasi, dhinaca saamilaydana waxa ka qayb gali kara qof kasta oo reer somaliland oo gudaha iyo dibadaba jooga lacagta ugu yar ee saamig ahan waa 500 oo dollar, halka qofka dibada joogana uu ugu yar tahay 1,000dollar, qof lacagta uu dhigtay macaashkeeda waxa uu halaya sanadka labbad ee uu lacagta dhigto, oo sanadka kowad ayaanu helan.”Ayuu yidhi.

Axmed Abokor waxa kale oo uu ka hadlay sharciyada kala duwan ee ay ku hawlgalayso shirakadu iyo sharaciyad au kala yaala qofka Saamilyed iyo shirkada waxaanu xusayn in sharci caalami ah uu u yaalo shirkada waxa lacag ah oo lumaysan anay jirin.

Geesta kale waxa Iyaguna halkaasi ka hadlay Masuuliyiin kala socady Shirkadaha gaarka loo leeyahay Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Burco iyo  Dadweynihii doooanayey in ay saamiyo ku yeeshan Shirkadaasi iyaga oo sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkadan cusub, waxayna sheegen in burco tahay meel jecel in dadku wax wada lahaado oo dadka reer Somaliland isku Xidhmaan.

 

Burcomedia.com

Head Office.

 

Leave a Reply