Dawladda Somaliland waa inay aad uga taxadirtaa Siidhka lagu sheegay in qiimihiisu dhan dhan yahay $2 Million Dollar, intaan loo qaybin Beeralayda By Enj. Mohamed Ali.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Balaayo ka hor tag bay leedahay, ee ka daba tag ma lah !

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan

shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.

Sida saxaafadu soo gudbisay,waxaa dalkeena la  soo gaadhsiiyey Siidh qiimihiisa
Narrow´,´sans-serif´; LINE-HEIGHT: 115%”>lagu sheegay  $2 Million oo Dollar,looguna talo galay baa la yidhi  sidii ay

Beeralayda Somaliland uga faaiidaysan lahayeen,ma nasteexaa , mise waa hooyo ku go´ !.

Su´aasha is weydiinta lihi waxay tahay :

1-Siidhkani inuu caafimmad qabo,oo berrito dalagga ka soo go´aa aanu ciida &

caafimaadka dadkaba wax yeelo soo gaadhsiineyn, yaa damaanad qaaday.

2-Yaa xaqiijiyey in Siidhkani aanu ahayn mid Gene kiisa wax ka bedel lagu sameyey,

GMO seeds (Genetically Modified Foods).

Sida khubaro waaweyn oo caalamka daafihiisa ku kala nooli ay baadhis dheer  ku sameeyeen,waxay ka

digeen khatarta ku duugan,lagana kulmi karo isticmaalka Genetically Modified Food (GMO) iyo

cudurada ay u geysan karaan caafimaadka dadka.Xukuumada Somaliland masuuliyad culus baa ka saaran daryeelka

dadkeeda iyo dhul beereedkaba,waana inay aad uga  taxadirtaa cuntooyinka lagu caawinayo,daawooyinka,midhaha la beeranyo ,iwm.

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa war bixin muuqaal ah , oo aad u qoto dheer,kuna

sahabsan Siidhka wax ka bedelka lagu sameeyo & aafadiisa ..Guji si aad u daawato:

 

Eng. Mohamed Ali Muse

Leave a Reply