Deeq Lacageed Oo La Soo Gaadhsiiyay Wadada Burco Iyo Oodweyne Isku Xidhi-doonta Iyo Xukuumadda Oo Ka Gaabisay.

Filed under: Latest News |

 Burco(Bm)-Haweenka reer Somaliland eek u dhaqan dalka Qadar ayaa Deeq Lacageed soo gaadhsiiyay gudiga dhismaha wadada isku xidhaysa magaalooyinka Burco Oodweyne iyo Hargeysa.

 Lacagtan oo tiradeedu dhamayd Afar Kun Saqaal Boqol Iyo Afar Iyo Toban Doolar  $ 4914-doolar ayaa waxa ku wareejiyay gudiga Wadan gacanta ku haysa Faadumo Nuur Maxamuud oo loo soo wakiishay Lacagtan .

 “ Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa Gudiga  Dhismaha wadada Oodweyne iyo Burco ,Lacag dhan $ 4914-Doolar ,waxaanan halkan ka cadaynayaa Lacagtaa amaanada ah ee ay haweenka reer Togdheer ee Qadar iisoo wakiisheen in aan ku wareejiyay gudiga wadada “ Sidaasi ayay Faadumo tidhi.

 Sidoo kale Cawil Yuusuf Dhiif iyo Sheikh Maxamed Axmed Yaasiin oo iyana lacagtaasi haweenka ka gudoomay kana mid ah gudiga Wadadan ayaa u mahadceliyay ,una duceeyay haweenka reer Somaliland ee dalka qadar ku dhaqan ,waxaaney ku booriyeen umadad kale in ay ku daydaan oo Dhismaha Wadadan muhiimka ah gacan ka gaystaan.

 Geesta kale Dhismaha Wadadan Laamiga ah ee xidhiidhin-doonta magaalooyinka Burco Oodweyne iyo Hargeysa oo dhismaheedu mudo xogay ah socday ayaa gaadhay deegaanka Kabodheere isla markaana bulshadda reer Somaliland ayay dhamaystirkeedu faa’ido badan usoo kordhin-doonaa.

 Geesta kale Xukuumadda fadhiidka ah ee Axmed Siilaanyo ee Lacagtii umadda ku dhamaysay waxaanu Shicibka dani ugu jirin ayaa ka gaabisay in ay Dhismaha Wadadan halbawlaha  ah gacan ka gaysato .

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply