Dhibaatooyinka Haysta Xoolaha Somaliland Iyo Dhul Daaqsimeedka: Axmed Xaaji Jaamac Dafac.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaynu ogsoonahay in laf dhabarta dhaqaalaha dalkeenu yahay xoolaha nool,  marka laga reebo khayraadka dhulka hoostiisa ee aan weli la soo saarin. Iminka waxa muuqata arimo lidi ku ah xoolaha oo ay u dhowyihiin inay dabargo? aaan hadaan wax laga qaban.

Inta badan dadka reer Somaliland waxay ahaayeen xoolo dhaqato, hada se tirada xoola dhaqatada ahi aad bay hoos ugu dhacda sababahan awgood:

Dhirta iyo cawska oo la gumaado iyada oo la iib gaynayo

?       Boholaha oo tira batay; wadooyinka baabuurtu maraan ayaa marka roobku da?o waxa ka jeexma boholo keena nabaad guur.

?       Tuulooyinka oo aad u tiro batay kuwaas oo keenay in dhirta la gubo islamarkaana dadkii xoolaha dhiqi jiray ay soo galayaan tuuloyinkaas iyada oo dhalinyaradiina ku qayilay

?       Dadka xoola dhaqatada ah oo magaalooyinka ku soo qulqulaya

?       Saylad xumida xoolaha lagu qalo magaalooyinka oo aan isu dheeli tirayn baahida iyo xoolaha la keenayo kadibna xoolihii xeradiina ka baxeen dadkiina waxba u goynayn qiimo jab awgii

?       Dhul goosiga ama cishiimada dhulka xoola daaqsimeedka ah lakala ootay

Dhamaan aafooyinkani waa kuwo dhabar jab ku ah dhaqaalah dalkeena sidaasdarteed waxay mudan yihiin in si mug leh wax looga qabto. Su?aashu markaa waxay noqonay sidee wax looga qaban karaa? Aniga waxay ila muuqata in la qaado talaabooyinkan soo socda:

?       In xal loo raadiyo sidii loogu maaro heli lahaa gubista dhirta iyo cawska

?       Dhulka oo loo kala saaro dhul daaqsimeed iyo dhul beereed

?       Burburinta boholaha

?       Biyaha roobka oo laga faa?iidaysto lana sameeyo biyo xidheeno

?       Daawooyinka xoolaha oo xad loo sameeyo iyada oo islamarkaan dadka xoolo dhaqatada ah la siinayo tababar sida ay u isticmaali karaan daawada xoolaha

?       In la hirgeliyo mashaariic xoolo naaxin ah si tayada xooluhu u badato

?       In la xidho seerayaasha dawlada si xiliyada abaaraha xooluhu uga faa?iidaystaan

?       In xoolo dhaqatada la dhiirigeliyo oo laga qayb qaato dhaqaalaynta xoolaha

Hadaba inaga oo isla qirsan in xoolaha nolosheenu ku xidhan tahay dhinac kasta, ma geyaan in aan xal loo raadin duruufaha ku xeeran ee keenaya dabar go?ooda. Sidaasdaradeed, iyada oo arintani inawada khuseyso dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland, wax ka qabashadeeda waxan si gaar ah ugu baraarujinayaa wasaaradaha ay khuseyso. Waxan u jeedinayaa inay ka hawl galaan kana fekeraan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkaas aan loo adkaysan karin.

Caaqil Axmed Xaaji Jaamac Dafac

Ceerigaabo

Leave a Reply