Duruufo Qalafsan Oo Dhinacyo Badan Leh Oo Ku Gadaaman Naafadda Gobolka Togdheer.

Filed under: Latest News |

Burco-Bm-Guddoomiyaha ururka naafadda gobolka Togdheer ee THO Baashe Cabdilaahi Aadan ayaa faah-faahin ka bixiyay marxalado kala gadisan oo ku xeeran naafadda gobolkaasi.

 Guddoomiyaha oo Xafiiskiisa Burco ugu waramay Shabakadda Burcomedia ayaa ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Xukuumadaba in ay taageeraan dadka laxaadkoodu maqanyahay eek u dhaqan gobolka Togdheer ,kuwaasi oo uu xaaladooda ka dayriyay isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi .

 “ Baahiyaha qalafsan ee haysta Naafadda Burco aad ayay u badanyihiin cid taageertaana ma jirto ,habayaraatee waxaana ugu waaweyn Shaqo la’aan ,Caafimaad daro ,Hoyla’aan iyo gaadiid la’aan ,oo xiitaa qaar ayaa dhulka gurguuranaaya waxaana arimahaasi sababay dhibaatooyinka haysta ee xaga naafada ah ,waxaaney iskugu jiraan qaar Cago l’a iyo qaar Gacmo l’a kuwo Indho l’a oo aan shaqaysan karaynin markaa waad garan-kartaan qof aan shaqo tagaynin oo waliba laxaadkiisu maqanyahay waxa haysta ,qolyahan Hay’adaha iyo Xukuumadana waxaad moodaa in ay caawiyaanuun dadka cagaha qaba oo ay Naafadda iloobeen“ Sidaasi ayuu yidhi Baashe.

 Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Naafadda gobolka Togdheer ugu baaqay Hay’adaha ,Xukuumadda iyo umadda reer Somaliland in ay hoos u eegaan baahiyaha ku xeeran dadka laxaadkoodu maqanyahay ,oo ay gacan siiyaan ,si noloshooda kor loogu qaado.

 Geesta kale ururka Naafadda gobolka Togdheer ee magaciisa la yidhaado THO oo baadhis ku sameeya dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Naafadda gobolkaasi ayaa ku hawlan sidii loo xakamayn la’haa waxna looga qaban la’haa dhibaatooyinka Naafadda ku wareegsan .

 Xukuumadda Siilaanyo ayaa ka gaabisay wax u qabashadda Naafadda Somaliland ,gaar’ahaan gobolka Togdheer oo ay ku nool yihiin Naafo aad u farobadani oo xaaladooda nololeed aad u liidato.

Burcomedia.

Burco Office.

 

Leave a Reply