Faallo: Siidhadhka Talaalan ee dadka beeralayda la siiyey Sanado ka Bacdi maxaa Dhici kara? By Jimcaale

Filed under: Articles-Maqaallo,Featured News |

todobaadadii la soo dhaafay waxaa wasaarada beeraha Somaliland lagu wareejiyey siidh ay keeneen hay’ad ka wakiil ah dawlada maraykanka.siidhkan oo ahaa sida warbaahintu qortay qudaarta la beerto iyo ubaxyo, qiime ahaana lagu qiyaasay ilaa 2milyan oo Dollar waxa ay ku sheegeen deeqdaasi oo aanay ahayn deeq ay dadka Somaliland siiyeen balse aad aragto in ujeedo ay ka dambayso waxay ku sheegayaan deeqdaasi ,iyadoo wax xiligan kalifayaa aanay Jirin keenitaanka Siidhkan ,iyadoo dad badani ay ku sheegaan waxyaabaha ay keenaan dawladaha shisheeye siidhka uu doono ha ahaade wax Talaalan oo la soo muday lana is ticmaali karo hal mar oo la beerto balse aan beermayn mar labaad iyo ka badan toona iyadoo aynu ognahay in waxyaabaha kala duwan ee ay beertaan dadka reer Somaliland aanu ahayn sidaasi wakhti kastana ay isticmaali karaan Beeritaanka Dalagyada la beerto.
Arinta is weydiinta mudan hadaba waxay tahay waa maxay ujeedada ay uga gudoontay wasaarada beeruhu iyadoo hadii wax la beerayona ay dad badan oo beeralay ahi ay haystaan siidh ku filan oo ay dadka beeralayda ahi samaystaan waxa la yidhaa (BOHOLO)ahna god ay dadka beeralayda ahi ku kaydsadaan dalagyada ay beertaan.
siidhkan lagu wareejiyey wasaarada beeraha hadaba aragti ahaan markaan eego waxaad ogaanaysaa hadii aad caqliga ka shaqaysiiso aad ogaanayso in ay dan uga leeyihiin bixinta Siidhkan doonayaana in dadka reer Somaliland ee beeralayda ahi ay daadiyaan tay haysteen oo ay isticmaalaan tan loo keenay ahna mid la soo muday oo aanay marnaba suurto gal ahayn in la beero lana isticmaali Karin hal mar wax ka badan.
Halkaasina ay dadka reer Somaliland noqdaan dad baahi ka bixi waaya oo marwalba ay dhaqaale ku soo qataan islamarkaana arimo kale oo gaar ahna ay hoos wadaan.halkaasina ay dunida tusaana iyo cid kasta in dadka reer Somaliland ay hayso baahi dhinaca beeraha ah oo aanay haysan wax ay beertan.
sida aynu ka wada war qabno iyadoo ay jiraan arimahaas aan soo sheegay ayaa maanta uu wasiirka beeraha Somaliland u geeyey khudaartaasi talaalan ee ay keeneen dawladaha shisheeye gobolka gabiley oo ay inta badan dadka degaan yihiin beeralay khuuta dalagyada ay soo saartaan. balse waxaa la gudboon dadka reer gabiley sidaan u arko in aanay aaminin alaabtan uu manta ku wareejiyey wasiirka beeruhu oo ay ilaashadaan khudaarta dabiiciga ah ee ka baxda dhulkooda oo ay samaystaan dhigaal ah markay ka dhamaato tan lagu wareejiyey ee deeqda ay ku sheegayaan.
Waxaanan dad weynaha reer gabiley kula talinayaan iyo cid kasta oo beeralayda ah in ay ka foojignaadaan waxyaabaha ay keenaan hay’adaha shisheeyey ee ka turjumaya dawladahooda.isla markaana ay meel adag ku xafidaan siidhadhka ay beeran jireen awalba wakhtiyada wax soo saarka.

WA BILAAHI TAWFIIQ

Qore:-Jimcaale dayib aw-cali
jimcaaledayib@gmail.com

Leave a Reply