Fawzia Yusuf “China waxay dhiseysaa wadada Gaalkacyo iyo Burco, Stadium Muqdisho, Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam oo maanta Caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabatay kadib safar shaqo oo qaatay muddo ka badan hal todobaad oo ay ku joogtay wadanka China iyada iyo wafdi ay hogaamineysay oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali iyo Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska ,gaadiidka badda,dekedaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan , ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in dowladda China ay la soo saxiixatay heshiis dhinacyo badan taabanaya , kaasoo ay qeyb yihiin dib u dhiska wadada xiriirisa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burco, garoonka weyn ee Stadiom Muqdisho,Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka iyo goobo kale .

H.E. Fawzia Yusuf H.Adam, oo Shir jaraa’id ku qabatay Airport-ka Aden Abdulle ee Muqdisho ayaa sheegtay in dowladaha Soomaaliya iyo China uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo soo taxnaa muddo 1000 sano ah , iyadoo Soomaaliya ay uga horeysay wadamada bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya China ,iyadoo la xasuusan yahay in Soomaaliya ay u ololeysay ,una codeysay China si ay u hesho xubinimada joogtada ee golaha amniga .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo si heer sare loogu soo kala dhoweeyay Magaalada ganacsiga ah ee Shanghai,gobolka Inner Mongolia iyo Caasimadda China , ayaa waxa ay mudadii halkaasi ay joogtay ay la kala kulantay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ee dalkaas.

H.E. Fawzia Yusuf H.Adam, oo maanta ay ku soo dhoweeyeen Airport-ka Muqdisho Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Eng. Maxamed Aadan Axmed ,Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Ambasador Abdisalaam Haji Ahmed Liban,Agaasimaha guud ee habmaamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow,Aagaasimaha guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Dahabo Omar Mohamed iyo diblomaasiyiin kala duwan oo Wasaaradda ka tirsan , ayaa mar Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga la weydiiyay kaalinta Wasaaraddu ay ka qaadaneyso soo siideynta Soomaalida dibadaha ku xiran , ayaa waxa ay tiri.

“ Wasaaradeydu waxa ay ku howlan tahay, kalana hadashay dowlaha ay ku xiran yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed , sida Maldives , Seychelles , Kenya , Ethiopia, Yemen , Libya ,India iyo wadamo kale ,si loo siiyo xuquuqdooda sharci , lana suura-geliyo siideysmadooda, waxaa naga go’aan ah ilaalintasumcadda iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool”.

 

Burcomedia.com

Burco Office.


Leave a Reply