Guddoomiyaha UCID Oo Camaareeyay Socdaalka M/Ku xigeenka Puntland Ku tagay Taleex Iyo Xukuumadda Oo Ka Gaabisay.

Filed under: Latest News |

HARGEYSA (BM)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa daan-daansi iyo faro gelin qaawan ku tilmaamay madaxweyne Ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya C/Samad Cali Shirre oo socdaal ku tagay shalay gelinkii dambe degmadda Taleex ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay saxaafadda ayaa sheegay inuu cambaareynayo socdaalka weftiga madaxweyne Ku xigeenka Puntland uu ku soo xad-gudbay soohdimaha Somaliland.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu socdaalkan ku micneeyay mid looga dan leeyahay in lagu hurriyo colaad hor leh oo laga dhex abuuro dawladda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay tallaabo cad ka qaado maamul goboleedka Puntland oo uu ku eedeeyay inay joogto ka dhigatay inay ku soo xad-gudubto xuduudaha Somaliland.

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu xukuumadda Axmed Siilaanyo  u soo jeediyay inay furfurka ka dayso  bulshadda Somaliland oo ay midayso si wada jir  looga gaashaanto duulaanka lagu soo qaaday qaranimadda Somaliland iyo xuduudaha dalka.

Geesta kale Xukuumadda Siilaanyo oo sedexdii sano ee ay dalka ka talineysay aad moodaysay siyaasadeeda in Ilmo Yar oo Sagaal Jir ahi dalka ka taliyo ayaa ka gaabisay in ay sugto Xuduudaha Somaliland gaar’ahaan gobolda Bari .

 

Burcomedia.com

Head Office

Leave a Reply