Hay’adda MSF Oo Albaabadda U Laabtay Hawlihii Samofal Ee Ay Ka Fulin jirtay Cusbitaalka Burco .

Filed under: Latest News |

 

Burco-Bm-Hay’adda Samofalka ee MSF oo mudo Laba Sano Iyo Badh ah gacanta ku haysay maamulka iyo adeegyadda Cusbitaalka guud ee magaalada Burco ayaa gabi’ahaanba joojisay .

Madaxa ugu sareeya Hay’adda MSF ee Somaliland oo ku sugan magaalada Nairoobi oo Shir jaraa’id oo uu kaga qaybgalay Khadka Skybe-ka  la qaatay shaqaalaha Cusbitaalka Burco  ayaa ku wargaliyay maanta oo bishu tahay 14-8-2013 in ay gabi’ahaanba joojiyeen hawlihii Samofal ee ay ka wadeen Somaliland gaar’ahaan gobolka Togdheer sida aay Burcomedia u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Cusbitaalkaasi .

Sidoo kale waxay Hay’adda MSF sheegtay in ay joojindoonaan 17-ka bishan aynu ku jiro  heshiisyadii ay la galeen shaqaalihii u shaqayn jiray  ee Cusbitaalka Burco ee gobolka Togdheer isla markaana shaqaalahooda Ajanabiga ah  Nairobe u qaadidoonaan.

Hay’adda MSF oo gacanta ku haysay maamulka Cusbitaalka Burco waxay  ka waday adeegyo Caafimaad oo tirobadan oo bilaash ah kuwaasi iskugu jiray Qaybta Hooyadda iyo Dhalaanka ,Qaybta Daaweynta Caruurta Yar Yar iyo Dadka Waaweyn ,Qaybta Qaliinka guud iyo jajabka  ,Qaybta Emercensy-ga iyo Sawirlaha ,Qaybta Daawooyinka iyo Raashinka iyo qaybaha kale ee Cusbitaalka ,sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Cusbitaalkaasi..
Sidoo kale waxay Hay’addani Cusbitaalka ku kordhisay Dhismayaal farobadan ,waxaaney mushaharooyin siin jirtay Dhakhaatiirta iyo Hawlwadeendada Cusbitaalka .

Geesta kale adeegyadda hay’adani bixin jirtay Cusbitaalka Burco oo ay ka faa’idaysan jireen dadweynaha ku dhaqan gobolka ayaa waxaanu shaki ku jirin in uu isbedel iyo hoos u dhac ku iman doono  maadaama Hay’adii waday joojisay iyadoo ay durbaba cabashooyin muujiyeen shaqaalaha Cusbitaalku.

Waxa kale oo iyana joojinta hawlaha Samofal ee ay Burco ka waday MSF ka dayriyay masuuliyiinta Caafimaadka gobolka Togdheer ,Inkastoo aaney Xukuumadda sare ee Siilaanyo ka hadal,waxaaney arintani ku soo beegantay iyadoo ay MSF ay guud-ahaan-ba Arbacadii maanta ay joojisay hawlihii Samofal ee ay ka fulin jirtay  Somalia sida ay sheegeen Madaxdooda Nairobe  .

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply