Hay\adda NRC Oo Fadeexadii Ugu Weyneyd Ka Samaysay Xaafadda Koosaar Ee Magaalada Burco.

Filed under: Latest News |

Burco-Burcomedia-Hay’adda NRC Xafiiskeeda Burco oo mudooyinkii u danbeeyay ay Barakacayaasha gobolka Togdheer ay ku eedaynayeen in ay ku talaabsatay Musuqmaasuq iyo isdabamarin aan nooceeda hore loo arag ayaa fadeexadii ugu weyneyd ka samaysay Xaafadda Koosaar ee Waqooyiga Magaalada Burco .

Masuuliyiinta sar sare ee Hay’adda NRC ayaa dhawaan isku keenay Xaafadda Koosaar dad waji ku macaasha ah oo ka difaaca Musuq-maasuqa dadweynaha Xaafadaasi ku eedeeyeen in ay kulakaceen Guryo  ay u dhisayaan  ,kuwaasi oo isku jiray qaar ka mid ah ,gudiyadda xaafadaasi ,Guudoomiyaha Xaafadda Koosaar oo marka hore-ba lagu eedaynaayay in ay musuqan Hay’adda ku dhex-milmeen  iyo dad kale oo ka baxsan xaafada Koosaar oo Suuqa Burco laga soo raray  .

Qaar ka mid ah dadka hay’adu soo urursatay oo oo Shir jaraa’id oo meel ka mid ah xaafadaasi lagu qabtay ka hadlay ayaa duray Barokacayaashii Dawladda Hoose ee Burco la hortagay Cabashadda ka dhanka ah NRC ,Masuuliyiintooda Burco oo uu u horeeyo ninka la yidhaado Mr. Xinif Tire  oo la sheegay in uu Kow ka yahay  Muq-maasuqa  Xafiiska NRC ee Burco .

” Dadkaasi cabashadda Dawladda Hoose la hortagay ee Hay’adda NRC eedaynaayay may ahayn kuwo xaafadda degen ,markaa arintaasi waanu ka soo horjeednaa ” Sidaasi waxa ku tiiraabay Guddoomiyaha Xaafadda Koosaar ee magaalada Burco Maxamuud Axmed Sheri oo ka mid ah dadka Hay’adda NRC difaacaayay ee masuuliyiineedu  dabada ka reexayeen .

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Ibraahim Cabdi-yare , iyo Faarax Yuusuf Kuwaasi oo dhamaantood Dhabarka la soo taabtay ,waxaaney arintani cadaynaysaa in ay Hay’adda NRC qaybteeda Burco markii ay Musuq faraha la gashay ee ay Lumisay taageeradii Shicibku u hayeen  in ay miciin biday ,in ay dad soo urursato inta ay laaluush bixiyaan  si ay eedaha loo jeediyay uga difaacaan ,arimahaasi oo ka mid ah dhaqamadii Xukuumaddaha  lagu yiqiinay .

Geesta kale dadka barakacayaasha ah  ee Xafadaasi Kosaar ayaa dhawaan Banaan-Bax Baladhan Oo ay kaga soo horjeedaan Hay,adda NRC ka hor-dhigay Dowlada Hoose Burco waxaaney Hayadaasi Xafiiskeeda Burco ku Eedeyeen inay Musuq-maasuq iyo Isdabomarin ku lakaceen Guryo ay u dhisayeen oo ay guulaysteen isla markaana ay goobo kale u wareejiyeen .

Waxa kale oo iyana ay Cabashooyin ka dhan ahi Hay’adda NRC Xafiiskeeda Burco ka dhaceen kaamamka kale ee Barokacayaasha sida  Cali Xuseen ,Aadan Saleebaan iyo 15-May ,kuwaasi oo ka mid ah magaalada Burco ,.

Burcomedia.com
Burco Office .

 

 

Leave a Reply