Iska Hor-imaad dhex maray Labba Beelood oo ay ku dhinteen Saddex Qof oo ka dhacay Degaanka Gowsaweyne .

Filed under: Latest News |

Ceerigaabo(BM) Saddex qof ayaa geeryoodey ilaa hadda inta la ogyahay iska hor-imaad gelinkii hore ee manta God-heeli oo ah degaanka Gowsaweyne ku dhexmaray  laba beelood oo degaankaas ku wada nool.

Wararka ilaa hadda degaankaas naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in iska hor-imaadkani ka bilawday hal nin oo isagoo xoolo waraabsanayey halkaas lagu diley kaddibna labada dhinacba isu hub urursadeen halkaasna dagaalkani ku dhex maray.

“Saddex nin ayaannu ilaa hadda dhimashadooda ognahay oo ka soo kala jeeda beelaha  Reer Iidle ah iyo  Sacad Yoonis , dhaawacuna labada dhinacba waa jiraa gurmadkana labada beeloodba waa ku socdaa”. Sidaas waxa yidhi Siciid Meecaad oo kamid ah bulshada ku dhaqan Tuulada Gowsaweyne. Isagoo ka hadlaya sababta iska hor-imaadkani ka dhashayna wuxu yidhi “Marka hore nin   xoolo waraabsanaya ayaa la dilay  kaddibna halkaas ayaa arrintu ka bilaabantay dhinaca xukuumaddana wax alaale wax gurmad ah oo ka yimi ma jiro .

Geesta kale Xukuumadda Fadhiidka ah ee Siilaanyo ayaa ilaa hada gacan ka gaysan sidii ay u kala dhex-gali lahayd shaqaaqadan ka dhex-dilaacday Labadan beelood ee isku deegaanka ah ,waxaaney arintani cadaynaysaa in ay Dawladda maanta talisaa fashilantay.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

 

Leave a Reply