Isku Eri Dhinaca Jaadka Ah Oo Ka Dhex Bilaamay Shirkadaha Jaadka Ee Gobolka Togdheer ..

Filed under: Articles-Maqaallo |

Burco-(Burcomedia)-Isku eri dhinaca Jaadka ah ayaa ka bilaamay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo deegaamadda ku xeeran ee gobolkaasi .

Isku erigan Jaadka ayaa ka danbeeyay ka dib markii isku eri dhinaca Qaadka ahi ka dhex qarxay Labada Shirkadood ee 571 iyo BSI ,kuwaasi oo ka mid ah Shirkaddaha dhinaca Jaadka ka baayac mushtareeya ee ugu waaweyn Somaliland .

Isku dhacan Shirkadaha Jaadlayaasha oo Suuqyadda Burco si weyn looga dareemay todobaadkii u danbeeyay ayaa sababay in Sixirka Qaadku gaadho ,halkii ugu hoosaysay ama meel aanu hore u gaadhin sanadihii tagey ,sida ay Burcomedia u xaqiijeen qaar ka mid ah dadweynaha Burco .

“ Qiimaha jaadku waxa uu gaadhay hada 4000-Kun oo shilin oo Shilin Somaliland ah calaa mijin ,halka ay markii hore ka ahayd 8,000-Kun oo Shiln ,arintaasina waxay sababtay in ay bulshada saamayso xag dhaqaale iyo xag waxbarashaba ,oo xiitaa dadkii aan qaliyi jirin markii uu qaaliga ahaa ayaa hada cunistiisa bilaabay ,waxaana haboon arintaasi laga hortago “Sidaasi waxa yidhi Mawliid Xasan Cali oo ka mid ah dadweynaha Burco arintan aanu wax ka waydiinay .

Sidoo kale Cabdiraxmaan Xasan oo isna ka mid ah dadweynaha reer Burco ayaa yidhi .” Isku Eriga Jaadka ee Shirkadaha 571 iyo BSI waxa uu sababay in ay qaadka ay magaalada keenaan aad usoo badiyaan oo intii hore ee ay keeni jireen ka soo badiyaan Qiimihiisana dhulka galiyaan ,markaa arintaasi bulshadii si weyn ayay u saamaysay ee waxaanu ugu baaqaynaa Shirkadahan in ay Sixirka qaadka halkii hore ee qaaliga ahyd ku celiyaan ,dhaqaalahooda ay burburinayaana joojiyaan “ Sidaasi ayuu yidhi.

Geesta kale ,waxgaradka iyo culimadda ku dhaqan magaalada Burco ayaa ka qayliyay qiima dhacan xad-dhaafka ah ee ku yimi Jaadka ,waxaaney kuu sheegayaan in uu saamaynta ugu ba’an ku yeeshay dhalinyaradii dugsiyadda iyo jaamacadaha dhiganaayay ,oo Nususaacayaashii waalidkoodu siinaayay ,Jaadka ku gadanaaya .

Burcomedia.com
Burco Office .

Leave a Reply