Jaaliyada Beesha Hawiye Ee G/Togdheer Oo Doortay Guddoomiye Cusub Iyo Masuuliyiin Kale.

Filed under: Latest News |

Burco-(Burcomedia)-Jaaliyada Beesha Hawiye Ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta si rasmiya u Caleemo saaray Gudomiyaha Jaliyadaasi Ee G/Togdheer.

Xaflad Loo qabtay  Gudomiyaha ayaa waxa ka soo qayb-galay Garaado.Cuqaal.iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Munaasibadani Oo ahayd mid si baladhan loo so agasimaya ayaa ugu horayba waxa ka hadlay caleema saarka Gudomiyaha Jaliyada
Cismaan Cabdi Maxamed Oo ah Gudomiye ku xigenka Jaliyadaasi ee G/Togdheer waxaanu halkaasi ka akhriyay bayaan ka kooban dhowr qodob waxaanu u dhignaa sida tan

” Jaaliyadani waxay ka shaqaynaysaa danaha reerka ?
< Jaaliyadu waxay Tagersan tahay Qadiyada iyo Gooni isu-Taaga Jamhuuriyada S/land ?
< Jaaliyadu waxay Besha Caalamka iyo Xukumada Xasan Sheikh ka codsanaysa in aanay saarin wax cadaadis ah”
Garaad Cabdi Isaaq.Caaqil Axmed Abukar iyo C/Rashiid C/laahi Cali Oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa bulshada caalamka usoo jeediyay inay la shaqeyaan jaaliyadani isla markaasna ay hiil iyo hooba la barbar istaagto.
Gaba-gabadii waxa munaasibadasi soo xidhay Gudomiyaha Jaliyada Hawiye Ee G/Togdheer Cali Xirsi Cabdi Oo ah Masuulka lagu Caleemo Saarayay Xafladani waxaan ka mid ahaa Hadaladisii
”  Waxaan Tagero Baladhan u Mujinaynaa Qadiyada Madax-Baanida Jamhuuriyada S/land taasi oo ay muujinayso Derajooyinkii ay u xidhay Ciidamada kale duwan ee s/land Runti Waanu ku hambalyaynaynaa madaxwaynaha s/land.Runtii waxa muuqata isbedelkii uu xisbiga kulmiye ku baaqi jiray wakhtigii  ololaha dorashada ilaahay mahadii balanqadyadii xisbiga kulmiye wuu fuliyay waana wax lagu tagero ”

Si kastaba ha ahatee waa markii ugu horaysay Ee ay Midobaan Jaaliyadaha kale duwan Ee Beesha Hawiye ee ku dhaqan G/Togdheer.

 

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply