Kulmiye Wuxuu Ku Fashilmay Dawlad Kooban Oo Tayo leh Qaybtii 2′aad By Axmed Mohamed.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaan ka war qabnaa tirada wasiirada xukumada kulmiye in ay ka badan tahay 48 wasiir ,wasiir ku-xigeen iyo wasiir u dawle iskugu jira

Hadaba dib aan u milicsano balan qaadydii xisbiga kulmiye ee ahaa inay dawlad kooban oo tayo leh soo dhisi doonaan taasi waxay noqotay salaan been ah oo kursiga lagu hananayo Dawaladii ka horaysay ee Daahir Riyaale waxay ay ku dhaliili jireen dawlad baahsan oo fadhiid ah lakiin waxaa cadaatay in tani la mid tahay ama ka liidato xaga tirada xukumada oo aan shacabka wax tar la taaban karo u lahayn .Xukumada kulmiye waxaa ragaadiyay musuqmaasuq baahsan oo ku faafay laamaha dawlada ee kala duwan waxaa isku mid noqday garsoorkii iyo golahii wasiirada Haddii aan soo qaadano tani garsoorka ma madax banaana sida aan wadda ognahay waxaa jira in dawladu marwalba ama xukunkasta fara galin ku leedahay .Caqabadaha garsoorka hortaagan waxaa ka mid ah fulin la,aan xukunada sugaya xukunka oo sabab u noqon kara dhacdooyin la mahadin waayo ,waxaana dacwadaha la fulinlaayahay wali ka mid ah tii wargayska Hubaal tii Sameel .dhamaan dacwadahani aynu soo sheegnay waxay ka dhaqaaqi laayihiin xaga xukumada waayo dad baa loo hayaa hadana cadaalada in la hortaago waa lagala baqayaa arintaasi waa mid masiiba ah oo horseedi karta khatar, Mar aan booqday maxkamadaha dalkeena waxaan la kulmay dad ay dacwadi kaga jirto ilaa 12sano dacwadaasi socotay taasi waxay dhabar jab ku tahay hanaan ka dawlad nimo iyo shacab Somaliland oo ay dhib ku tahay .Tusaale ahaan haddii laba qof ay iskula kaa yimaadaan ma waxaa kula haboon in aad tidhaah mid waliba markhaatigaagii keen oo aad mid waliba aad dhagaysato dabadeedna adiga daacad ka ah Illahayna kugu ogyahay aad qaraar gaadho mise in aad tidhaah adna waad saxsantahay adna waad saxsantay oo mid walba aad dabarka ka taabato taasi ayaa garsoorkeenii ku sifoobay .

Dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI

Qalinkii :AHMED MOHAMED QALINLE

Leave a Reply