Madax-dhaqameedka Somaliland Mid-baan Leeyahay ,Waran Cade-na Mid-baan Leeyahay ,By Mirimiri Jaamac Faarax .

Filed under: Articles-Maqaallo |

Marka hore waxaan halkan ka Hambalyaynayaa dhamaan Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland ,oo hadh iyo habeen-ba u taagan sidii ay  bulshadda ugu soo gudbin-lahaayeen  dhacdooyinka dalka iyo daafa caalamkaba  ,taasi waa taa.

 

Marka labaad sida aynu ka war hayno waxa jiray mudooyinkii u danbeeyay dhacdooyin fool xun oo u muuqda kuwo bulshadda layskaga horkeenaayo oo dalka ka socday ,kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah Salaadiin iyo Cuqaal shaqadoodii gabay oo ay Xukuumadu dabada ka riixayso , oo inta ay Saxaafadda soo fadhiistaan Aflagaado iyo Cay kula dul ku faayay dad aaney isku shaqo ahayn oo dalka iyo dadkaba sharaf ku dhex leh .

 

 Hadaba marka ay sidaasi tahay waxaan leeyahay Salaadiinta iyo Cuqaasha ,sidaasi u hadlaaya shaqadiinii ayaad gabteen ee cumaamadu yaaney idinka dhicin,ee wixii la idiin dortay marnaba haka gudbina ,taas oo ah ilaalinta xeerarka  reeraha , isku xidhka bulshadda iyo Xoojinta Nabada  .

 

Laakiin iska jira inaad ka gudubtaan oo siyaasad uga gudubtaan oo aydun canbaareysaan shakhsiyaad aydaan shaqo isugu iman oo laydinka horgeeyo ,waayo ? waa meel ka dhac oo arintii la idiin doortay ee ahayd in aydun reerka aad kasoo jeedaan kala hagtaan hadii dhiibaato ku timaado oo aydu xeer beeleedkiisa ilaalisaan ogaada meel ayaad kaga dhacdeene ,arimaha noocan oo kale ahina waxay ka mid yihiin waxyaabaha bulshada iska hor-keena ,ee ka feejignaada .

 

 Geesta kale Waxaan kusoo gabagebaynayaa hadalkayga oo aanu leeyahay Mr Waran Cade, aad baanu kuugu hambalyeynayna hadaanu nahay qurba joogta reer Somaliland, xag gaadiid iyo xag bilicda magaaladaba.in kasto magaalooyinka kale ee Somaliland sugayaan qaybtoodi,xag gaadiid  iyo xag shaqoba.  

 

 

 

 

 

 Mirimiri Jaamac Faarax.

 

Shiine614@yahoo.com.

 

USA.

 

Leave a Reply