Madaxweynaha Somalia Oo Ku Tilmaamay Heshiiska Addis ababa Guul U soo Hoyatay Xukuumadiisa.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska magaalada Adis ababa ay kula galeen maamulka Kismaayo uu yahay guul taariikhi ah u soo hoyatay dowladiisa,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dhinacooda ay dhaqan gelin doonaan heshiiskaas dhinaca maamulka Kismaayo ay iyana ka rajeynayaan iney fuliyaan, wuxuuna xusay in heshiiskaas uu yahay mid lagu xalinayo ismari waa in muddo ah taagnaa oo ku saabsan arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.

 

“Heshiiska Addis ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid iyadoo dowladu wax badan ka tanaasushay maamulkaasina uu sidoo kale ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa, heshiiskaasina waa bilow waana sii dhameystiri doona dowladuna waxey diyaar u tahay iney ka hortagto wax kastoo keenaya colaad ku soo laabata deeganadaasi’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh .

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo fariistay warbaahinta ku hadasha afka dowladda su’aalo baddana ay dadweynuhu soo weydiinayeen ayaa sheegay in dowladiisa ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowlada arrimo badan awgood.

 

“In qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Puntland ay xilligan ku dhawaaqaan inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya Aad iyo aad ayaan uga xunnahay, balse waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan wadahadal kula furmo is arrinta keentay hadalkaas aan meesha uga saarno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu Somalia ay horay u muujisay sida ay raalliga uga tahay maamulkaas iyadoo halkaas ay isugu tageen madaxda dowladda, wuxuuse hadalka kasoo baxay ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

 

“Waan macaamilaynaa haddii uu khalad dhaco Bani’aadam ayaan nahay waa laga wadahadli karaa waana la is-fahmi karaa, innaguna waxaan ku dedaalaynaa sidii aan uga daweyn lahayn waxyaabaha keenay in Puntland uu ka soo yeero hadal aan dhegaha u rooneyn,” ayuu madaxweynaha.

 

’’Ciidamadeenu ma dagaalami karaan ilaa ay doonto AMISOM iney dagaasho taasina waxaa sabab u ahaa cunaqabateyntii dhinaca hubka aheyd oo na saarnaa inkastoo aan ku guuleysanay in la qafiifiyo, waxaana suurtagalinay inaan gaadiid iyo hub u iibino, hoggaan cusubna u magacawno’’ ayuu yiri madaxweynaha oo ka jawaabayey su’aal ay soo weydiiyeen dhageystayaal ku sugan dalka iyo dibada oo ku aadaneyd sababta ay ciidamadu u xoreyn la’yihiin deegaano hor leh.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladu ay dadaal badan ugu jirto hirgelinta nidaamka Federaalka, isagoo tilmaamay in aysan jirin qawaaniin hageysa Federaalka dowladuna ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa qawaaniintaas.

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply