Madaxweyne Siilaanyo Abaalki Gabiley Ma Waxaa Uu Ku Beddelay Siiggo Ku Dhaafid :

Filed under: Articles-Maqaallo |

 

Safarki maalinti salasadi u ku kici timay madaxweyne siilaanyo magaalada boorama.ayaa noqday mid aad logu hadal hayo goob-baha lagu kulmo.Hargeisa oo ay iskugu dhow yihiin magaalo ahaan,waxanay doodaahasi salka ku hayaan ujeedada ka dan-beysa in u madaxweyne siilaanyo siigo ku sii dhaafo magaalo abaal badan ku lahayd xiligii dorashadi ayaa noqo-tay mid ay garan la”a yihiin meesha sartu ka qudhun-tay. wali waxaay dadweynaha GABILEY sugaa-yeen in ku soo laabto marka danbe waxaana kaf iyo kala dheeri noqotay marku kasoo noqday magaalada Borama

 

Waxaa siigo kusoo dhaafay magaalada isagoo u quudhi wayay in u mahad celiyo dadki wadaada u tubna isaaga dartiwaxaanu ugu abaal guuday in urro ku dhaafo.

 

Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumada oo markii hore sheegay in Madaxwaynuhu ku hakan doono magaalada isla markaana shacbiga kala hadli doono fagaaraha Khayriyada ayaanay suuro galin balanqaadkii ay bulshada u sheegeen taasi oo ay fashilisay ka dib markii madaxwaynuhu muraayadaha ka dalacday oo uu si lama filaan ah ku dhaafay dadkii soo dhaweeyay.

 

Markii madaxweynuhu soo gaadhay duleedka magaalada dila waxaa halkaasi ku sugayey dadweyne iyo gaadiid faro badan oo ay horkacayeen badhasaabka gobolka gabiley iyo maayerka degmada gabiley, waxaaney halkaasi ku siiyeen salaan waftiga madaxwaynaha, inaasi ka bacdi ayaa waxaa Hadlay xogyaha gaar ka ah ee madaxweynaha waxaanu sheegay ina madaxweynuhu dhaafayo magaalada gabiley, isla markaana saxaafadda waxaa lagu wargaliyay in ay iska kala tagaan oo aanu waftigu hakan doonin. Markii Waftiga madaxwaynuhu soo gaadhay Gudaha magaalada Gabileya yaa waxay ku dhaafeen Xawaare aad u sareeya isaago ay wali wadooyinka ku suugan yihiin dad-weynihii.isku soo wadaa duubo lama-ganaayo sababta ku kaliftay in laba jeer oo isku xigta u uurro ku dhaafo magaallo abaal-ku lahayd. xilligi doorashadi oo ay degmada gabiley ahaay mid sii weyn logu codeeyay  waxaana la fillayay in u abaal gud weyn siin doono madaxweyne siilaanyo Gabiley lakiin lama ogga in laysku diiray in kale , rakab xummada maamulka siilaanyo ayaa kaliftay in u ka amiinka baxo gob-bihi aad loga tageersana xiligi u mucarid ka ahaa.balse waxaa muqataa in ay faro madhan kala tagan yihiin dadki doortay.

 

 

 

Qalinki

 

 

 

Cabdi casiis Bashiir nuur

 

 

 

Tel;4144434

 

(c.casiis98@hotmail.com

 

 

 

Hargeisa/Somaliland

Leave a Reply