Maxay kula tahay: Bal ila taliyoo, Face book-ga, ma iskaga tagaa?

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaa kale oo tuban face book-ga hablihii uu Axmed Saleebaan Bidde ka maansooday, ee sahadinayey:“Iyadoo doog dhex jiiftoo, daawanaysa ubaxo, shaw raaxo damacadoo, durba garayskii furatoo, sii deysey timihii, aan idhi ma deysaa, mise waad dug siisaayee, dabnaha ma isa saartaanee, yaa dookhu heli jirayee, dadaw maxaad ku talin lahayd.” Maashaa allaaha. Waqtiga Isbedeley, war baa la socodee, warbaa la socodee.

 

Balaayo kac guur amma kac guurso, ayay ku tidhaa. Balaayo aan kaa qoslina balaayo ma ah. Aniga oo baraad la’ oo baraha Internet-ka iyo jaarun xaruntayd, ayuun baan geedi dheer u lalabay. Waa la I arooriyey, waxaa laga iga wacay face book iyo xerta, bahda ama madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland.

 

Haddaba, safarkan dheer ee aan galay marka hore waxaan, si guud u dalmari dhammaan goobihii aan u sii hoydey, kuwaan guura ku dhaafay, kuwaan ku dhaxay, guurahaygii iyo galab carrowgii. Iyo weliba kuwaan orod ku dhaafay. Marka danbana mid walba si gaar ah ayaan idiinku faafaahin doona.

 

Maalin aan sidaa u sii fogeen, ayaa waxaan ku arkay xaadhima internet-ka , ogeysiis lagu shaaciyey, oo ah in xaadhin libaaxyo hurdaan, oo cusub, in la furay.

 

Xaadhinta libaaxyada oo ah Bahda amma Madash Wada Tashiga iyo Toosinta qaranka oo furtay buuga fool ka foolka (Face book) oo lagu wada xidhiidhi karo.

 

Degdeg ayaan awrkaygii ina Goray, baabuur ma lihiye, hogaanka ugu soo qabtay oo keeneeyey. Waan tu’iyey, waan qarqarsiyey, waanan foodh foodhyey. Waxaan ku maaweeliyey, intaan rarayey “Ma jaboo, ma jiiraaloo”

 

Heeryada ayaan ku laalay. Agab, saabaan iyo sahay wixii aan u baahanaa, geedigan aan keligee u qalqaalay ee aanan cidna kala tashan; ayaan guradiisi ku hubsaday. Caynka iyo baydana waan ku giijiyey. Kamaan iloobin dabgeliskii, ilayn haddii kale, sida dawladaha Afrika ayuu dheel dheeliyiye. Dawladaha Afrika waxay saluugaan dabageliska dimuqraadiyada oo ah “Political Pressure Groups.” Waana sobobta keenta gacan ka hadal.

 

War la’aan baa col hade eh, inkasta oo aan Sheekh Cabdil Qaadir cuskaday, awrkii hayinka ahaa wuu I canaadey; oo wuu diidey in uu kaco. Samay samay iyo juu midna wuu iga aqbali waayey.

 

Aakhirkii, awrkii wuxuu ku reemay: “Waa xaggee, ma col baa inna galay?”

 

“Waa madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, col innama gelin” ayaan ugu warceliyey.

 

Wuxuu ku guuxay, isaga oo faruuryaha lulaya: “Bi’waa aadamiyoo, gaar ahaan somaliyoo. Oo anigaba ila maad tashana, maxaad ku kordhin kartaa Madasha wadatashiga ee Somaliland.”

 

Wuxuu intaa sii raaciyey: “Soodigan I afduubaya. Soo xaq iyo xurmo iskuma lihin, maxaad iila tashan weydey.”

 

Waan yaabay, dood dheer ayaa na dhex maratay. Hadhaw ayaan faahfaahinteeda idiinku soo celin. Guud ahaan awrkii waxaanu ku heshiiney in aanu safarkaa galno, wanaanu dhaqaaqanay.

 

San wadeenada (guide lines) buuga fool ka fool (face book), ma aqaan jin iyo insi, waxay yihiin cidda ka shaqaysaaye, ammaradoodii ayaan u hogaansame.

 

Waxaa la igu yidhi si socdaalkaygu u hirgalo, abtirsoo ayaad tahay. Magacaag, Magaca awoowgaa, ciddaad u dhalatay, goortaad dhalatay iyo halka aad ku nooshaya sheeg baa la yidhi. Hawraarsan baan idhi, waanan fuliyyey amarkaa. Buuxiyey goobihii loogu talagalay, oo ka gudbey.

 

Markaan dhammeeyey, waxaa la igu yidhi geli haybtaada(Email Address) iyo faruur xidhkaaga(Pass word). Dhib ka mudan meysid baan idhi, oo Labadiiba caynka iyo bayda ayaan u giije, inkasta oo aan la yara raftay, ilayn badaw baan ahaye.

 

Ooddii ayaa la iga rogey. (Welcome to the Face book) soo dhawaw, minanku, minankaaygii waaye, ha is martiyeen, ayaa hadal la iigu soo koobay. Way macnasan yihiin haddaad amaradooda raacdo, duulka ka shaqeeyaa buuga fool ka fool.

 

Waxaa haddana la ii weydiiyey ma faq(private) ayaad rabtaa mise baal furan (public). Kuma hakane, markiiba waxaan doorbiday baal furan, si safarkayga loola wada socdo oo aanu qarsoodi u noqon.

 

Irridihii, ayaa is wada balaqay. Ma aqaan malaa’iig iyo shayaadiin wax hogaaminayee, markiiba waxbaa soo shuruug yidhi, cagtiibaa igu badatay, booqashooyinkii ayaa xad dhaafay. Sheekh iyo shariif, lab iyo dhidig meesha, gaalo iyo islaam meesha waa lagu dhan yahay.

 

Laba erey ayaa goor walba I hortaagan, kuwaas oo kala ah “Confirm” iyo “invite”. Mid walba dhag, dhag baan ka siiyaa.

 

Waxaa noqotay khasab in aan qalo badan sii dhex maro, maxaayeelay gurigaan aan ku socod ee madasha wada tashiga, waxaa ka sokeeya oo hortii la degey guryo badan oo kale.

 

Cagtii horaba, juq waxaan u soo idhi dugaaga jala butaynaaya. Saa waa mooryaantii Muqdisho oo kortay oo dalacaday. Shaadhad diimeed kala duwan xidhatay, qabyaaladna aan ka tagsanay, dawladaha reer galbeedkuna kala fadilaan.

 

Waa mooryaantii oo cal iyo bey leh. Waa mooryaantii oo qaar ka mid ah, beesha caalamku, caleema saartay, oo federal sheeganaya, qaarna daadufeysey. Iyo weliba dad ka soo jeeda beesha caalamka oo kheyraadka qaranka bad, berri iyo uur ku jirataba in loo saxeexo doonaya, iyo dadweynihii gobolada oo qaylinaya: “Qabta, qabta, qobtoleeyaa, xaja, xaja, xadhka u yeela.”

 

Intaan hadalba iga soo bixin, awrkiibaa diday, oo ka Acuudu bilieystey, oo yidhi: “Hal la qalay sideed lagu soo qamaamoo, qalalaasihiiba ninba qurub haleelo, qosol wuxuu ka joogaa, qubanaha danbeeyee, buuraha qotada dheer, ka arkaaya qiiqee, qarka soo jafaaya.”

 

Anna waxaan ku sii ladhay:“Weligee cad quudheed, kola qaadan maayoo, qalanjada faraha dheer wax la qaybsan maayee.”

 

Aniga ayaa kooxdaa warkooda idiin faahfaahin doon, iga war suga.

 

Cagtii xigtana mise waa qabyaaladii oo dhex butulaqaysanaysa, oo la waabwaabinaayo. Buugii fool ka fool ee casriga ahaa, ayay dhex muuta muutenaysaa. Meesha qolo, qolo ayaa loo degen yahay. Tooyashada ayaa igu badatay, sibiq ayaan ku dhaafay. Wixii na kala qabsaday gadaal baan idiinka sheekayn, sabir yeesha.

 

Waxaa kale oo aan orod ku dhaafay qalanjooyin iskala lulaya, is kala haadinaya, is kala hufaya, iskala jiidaya, qaar jimicsanaya, qaar is janjeedhinayaan, qaarna intay toobab soo xidheen tal iyo xiisaan leh, xarago la tiicaaya. Qaar baa daymada xishood kale, luquntooda dadbaaya.

 

Maxaa suleekhooyin jooga, sedex goor is kala jabinaaya, sinta bidix isqabanayya, sanqaroorka taagaaye, dhexdu qabasho le’eeg tahay, oo aad moodo in ay leeyihiin siddii qadiijo warsame, intay qosol digix ka siiyaan : “siddi qabax”, iyo qaar luquntooda dheer; lagu qoray cabaadhyo; oo la moodo midhihii macaleesh, sareen dhillin iyo heed la feedagay, oo aad indhaha la raacraacayso. Waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn kuwuu Axmed Saleebaan Bidde Sheegayey: “Iyadoo doog dhex jiiftoo, daawanaysa ubaxo, shaw raaxo damacadoo, durba garayskii furatoo, sii deysey timihii, aan idhi ma deysaa, mise waad degsiisaayee, dibnaha ma isa saartaan, yaa dookhu heli jirayee.” Maashaa allaaha.

 

Waxaase ugu badnaa oo goobta joogey, kurar intay garbahooda dhan daaheen, sida ramadka geela oo laga reebay ilmihii, dhugashada rog rogaya.

 

Kurarkani heerin ahaa mooyi , calaf doon ahaa mooyi, dhoof doon ahaa mooyi, tahriib doon ahaa mooyi, qurba joogi u carrab laaladisaa mooyi, Jacaylkoodii tahriib ku maqana mooyi. Warkiisa la waayaa mooyi. Garan waayey. Haddise laga tegi waayo, waxaan u maleeyey, markii aan u dhaba galay, in badankoodu ku luuqaynayeen: “ Hadbaa walalacdaadii la ii kaa widhwidhiyoo, wehelkaygiiyoo I waadaalisee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee.”

 

“Walbahaara jacayl baa I weedhaamiyee, wajigana xishood kaa waabtayee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee.” Oo ummad kale tahriibte iyo caadkeed.

 

Isku soo wada duuboo, wax kale kuma garatidey, xuural cayntii Aakhiro, ayaad moodaa, in ay meesh iskugu timid. Gabadh madoobi waa dhif iyo nadir, oo waxaa loo loo helay daawo, la iskaga tirtiro. Mar baan is moodey in jannadda ugub ee Cabdi Adan Qays sheegaayey, anoon jirab u soo marin, in sahal la ii dhex jooje.

 

Been idin ku haasaawin maayee, anigu waan ku daaley jeedaal, Isha qoodheeda ayaan ka qooraansiyey, oo denbiga waanu iska dhawreeyey. Culmidu waxay I dheerayd fariimo wacadi iyo jacay iskugu jira, ayay hablaha u tebinayeen, ishana way ka buuxsanayeen.

 

Waxaan weydiiyey, mid ka mid ah kooxdan, madasha wada tashiga, halka ay degan yihiin.

 

Waxaa iigu jawaabey: “Adeero, go straight, turn left, then right, you cann’t miss them, or you can google them”, shaw innantan aan la hadlay waa ree London.

 

Waxaan ku hakaday markay salaan gacanta ii taageen, carmaliyo jaawi shidanayaa, foox iyo uunsi, oo qiiqii iyo qaacu isqabsadeen. Cusbur iyo casar leged dhabanada ku duugey, shaah macaan dhaafay, fuudaaya, murduuf qaada dhilanaaya, oo hadana cibaadeysanaya. Oo sheekha baqamaala caamada, ee TV-yada kiraystay, sadaq u dhiibaaya si uu hawada duco ugu soo mariyo, oo carruurtooda xabsiyada Ingriiska ku jirta uga soo daayo.

 

Markaan arkay waxaan ku idhi: “Waa la idin salaamay.” Degdeg waxay igu jawaabeen: “Lagaa qaad”. Way garteen in aan haasaawihii dadkii hore hayo, oo way ku farxeen. Is afgaranay. Awrkaa iga diidey mooyaane, mar baan damcay in aan iskala dego oo aan madasha wada tashiga ka gaabsado, oo aanu ka wada sheekaysano xusuus iyo waayo waayo, geed deeb leh iyo gal saxar mar labaad ma gaadhnaa iyo lila law.

 

Waxay igu yeedhaahdeen: “Xaggeed ku degdegsan tahay?”

 

Waxaan ku idhi: “Madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranka.”

 

Mashxarad ayay ku dhufteen. Awoowyadood hore iyo intay awliyooyin cuskadeen, ayay yidhaahdeen: “Duco ayaanu ku raacinay, guuleysta.”

 

Waxaan kaga rogey dabuubtaa: “Waa yahaye, ducada ficil ha lagu daro.”

 

Waan idiinka sheekayn doonaaye, midbaaba igu tidhi, aan is baananee buul ma leeday. Sidii sharciyada dalkan Ingriiska wax looga bedeleyba “Single mothers”, hawl weyn ayaa ku soo korodhay. Faafaahinta kooxdan dib ayaan idiin ka sheekayne, sabir yeesha.

 

Cagtii xigtey, misooliye waa madashii mafrashyada, oo aad yaabayso guuxooda iyo sarwaxankooda, haddana kala shakisan, kalana maqnaan, oo waxaan dantooda ahayn, ku xiiqay oo ku doodaaya. Shaw annaa hurdaye baryahaaba, buuga fool ka fool, ayay ka dhex botorinayeen. Awrkii ayaa ka yaabay, oo ku durdurin gaadhey.

 

Waxay igu yidhaadeen: “Soo fadhiiso, waar odayga meel u baneeye.”

 

Waxaan ku idhi: “Waar socod hore ayaan leeyahay, waad mahadsan tihiin.”

 

Waxay igu yidhaahdeen: “oo fiide maxaad la cararaysaa.”

 

Waxaan ku idhi: “Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaan ku socdaa.”

 

Mid baa soo boodey oo yidhi: “Oo maxaad ka dooneysaa. Hadday nafleeyihiin, ha galaan xusbiyada Qaranka.”

 

Waxaan ku idhi: “Oo soo kuma jiraanba. Oo xusbigii dadka iyo dalka anfacaya u ololayn maayaan, oo codka siin maayaan.”

 

Kuwaasina sheekooyinkoodii ugu xiisaha badanaa, ee na dhex maray, hadhoo ayaan idiin bal balaadhin, sabir yeesha.

 

La soco qaybaha danbe

Hamud Duale

Leave a Reply