Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida Ee Somaliya Oo Saaka Toogatay Gacan Ku-dhiiglihii Dilay Wariye Xasan Yuusuf Absuge .

Filed under: Latest News |

Muqdisho(Bm)-Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa saaka Magaaladda Muqdisho ku toogatay  gacan ku dhiigle lagu helay inuu u dilay Weriye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa bahda warbaahinta Muqdisho.

 

Gacan ku dhiiglahan La Qisaasay oo lagu magacaabi jiray Aadan Cabdi Xuseen ayaa waxaa saaka xukun toogasho ah lagaga fuliyey fagaaraha ka soo horjeeda dugsiga sare ee Booliska degmada Xamar jajab ee Caasimadda Somaliya .Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo horey xukun dil ah ugu riday gacan ku dhiiglaha la toogtay, saraakiil kale oo ka tirsan milateriga iyo Booliska iyo dadweyne kale.

 

Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha saaka la toogtay cadeymo badan iyo markhaatiyaal badan ka dib uu maxkamada ka hor qirtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kana dambeeyey dilka weriye Absuge oo sanadkii hore la dilay.

 

Geesta kale Waa Markii ugu horeysay ee Dowladda Somaliya xukun cadaalad ah mariso qof dilay mid ka mid ah weriyeyaasha bahda Warbaahinta magaalada Muqdisho oo sanadadii u danbeeyay la ogaadhsanaayay .

 

 

 

 

 

 

Burcomedia.com

Muqdisho Office.

Leave a Reply