Mooshin Ka Dhan Ahaa Guddoomiye Cirro oo dhicisoobay Iyo Warar Kale.

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)- Golaha wakiilada Somaliland oo labadii maalmood ee ugu danbaysay saxaafada maxalliga ah banaanka laga dhigay ayaa la sheegay in golaweynaha gudihiisa ay ka istaadhmeen Mooshino iska soo horjeeda oo xidhibaano ka soo jeeda xisbiga Kulmiye wateen sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonyahay.

Raxan ka mid ah xildhibaanada taageera xukumada Siilanyo ayaa shalay ka warwareegay inay badka soo dhigaan Mooshin ay beryahanba Hotelada Hargeysa la dhex meeraysanayeen iyagoo ku baalixooftayn jiray inay nidar ku galeen sidii ay gudoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro kursiga uga riixi lahayeen bedelkiisana uga dhigi lahaayeen gudoomiye ku xigeenkiisa Baashe Muxumed Faarax oo beryhanba isaga laftiisuna guclo iyo orod ugu jiray siduu uu u kori lahaa kursiga Cabdiraxmaan Cirro laga riixo doono.

Xildhibaanada gar iyo gardaraba taageera xukumada Siilanyo ayaa la sheegay inay wateen mooshin lid ku ah Gudoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro,Hase yeeshee iyaga gudahooda ayaa xoguhu sheegeen inay u kala jabeen dhawr kooxood ka dib markii dhaqaale lagu hunguri geliyey oo ay ka filayeen dhanka Qasriga madaxtooyada lala aamusay (Wasiir Xirsi la daahey), taasina waxay sababtay in xildhibaanada qaarkood ka soo horjeestaan mooshinkii ay markii hore saxeexeen, dalbadeena in liiska laga masaxo maadabay waayeen balanqaadkii lacageed ee loo sameeyay, mooshinkiina sidaas ku dhicisoobay!.

Geesta kale sida xoguhu tibaxayaan waxay qaar kale oo xildhibaanada golaha ka mid ahi wateen mooshin ku saabsan in Gudi hoosaadyada Golaha isku-shaandheyn lagu sameeyo maadabay golahii ka dhigeen fadhiid ama Gole xilkii loo igmadey gudan kari waayey, waxay kaloo xidlhibanaadaasi dalbadeen in la bedelo gudoomiyayaasha gudi hoosaadyada oo waajibaadkoodii golaha gees maray.

Sidoo kale  sida xoguhu sheegayaan Gudoomiye Cirro oo isku haya Gudoonka Baarlamaanka Somaliland iyo Gudoomiyanimadda Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa shalay ku tirtirsiiyey xildhibaanadii watey mooshinka lidiga ku ahaa ee ay ku goodinayeen inaanay dabada gashan ee ay golaha soo hordhigaan ,waxaanu ku wargaliyay xilka Gudoonka baarlamaanka ee uu hayo in aanu ka dagaynin ilaa iyo inta laga soo dooranaayo ,gole cusub oo golahan bedela .

 

Burcomedia.com

Head Office.

Leave a Reply