Mudaharaadyadii Iyo Rabshadahii Oo Markale Ka Istaadhmay Dalka Masar Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Filed under: Latest News |

Cairo(Bm) –Wararka hada laga helayo dalka qalalaasaha ku jira ee Masar ayaa sheegaya in maanta galinkii dambe ay dibad baxyo waawayni markale dib uga bilaabmeen dalkaasi,ka dib qasuuqii maalintii arbacadii ka dhacay dalkaasi kaas oo keenay cadho xoogan oo ay dadka shacabka ahi u qaadeen ciidamada Masar iyo waliba bulshada caalamka oo cambaaraysay.

Wararka ayaa sheegaya in ay ku dhinteen galinkii dambe ee maanta ilaa toban qof halka dhaawacanu uu intaasi laban laabkeed ka badanyahay,kumanaan kun oo taageerayaasha maxamed mursi madaxwaynihii xukunka laga tuuray ayaa dib ugu soo noqday fagaareyaashii ay ciidamadu xooga ugu saareen maalintii arbacadii,muuqaalada ay baahinayaan Telefeshinadu ayaa muujinaya rabshadaha ay isku baacsanayaan dadk shacabka ah iyo ciidamada kuwaas oo ay ciidamadu u adeegsanayaan suntan isdhaha ka ilmaysiisa balse dadka qaar ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta nool nool oo ay ciidamu ridayeen.

Waxa laga cabsi qabaa in uu mudaharaadadan iyo rabshadahani ay sababaan dhimasho badan taas oo la xasuusanyahay dhimashadii faraha badnayd ee maalintii arbacadii oo ay xukuumadda kumeel gaadhka ah ay sheegtay in ay ku dhinteen in ka badan lix boqol oo qof balse ururka Ikkhwaanka ayaa sheegaya in ay dhimashadu gadhayso laba kun oo qof iyo  dhaawacyo gaadhaya saddex kun oo qof.

Geesta kale Beesha Caalamka ayaa si weyn u cambaaraysay asuuqan ka dhacay dalka Masar ee Ciidamadda Milatarigu ku xasuuqeen taageerayaasha Madaxweynihii la afgambiyay ee Maxamed Morsi.

 

 

 

Burcomedia.

Burco Office.

Leave a Reply