Oog: Munaasibad Lagu Sii Adkeynayay Waan-waantii labadii Beelood Ee ku Diriray God-heeli Iyo Warar Kale.

Filed under: Latest News |

HARGEYSA (BM)- Magaaladda Oog ee Gobolka Sool ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan balaadhan oo lagu soo afjarayey shaqaaqadii ka dhacday deegaanka god-heeli ee Dhimashadda iyo Dhaawaca sababtay.

Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen dhinacyadii ay dhibaatadu ka dhex dhacday iyo ergooyinkii dhexdhexaadinta ka dhex waday ayaa waxaa hadal ka soo jeediyey labo oday oo u kala hadlayey labada ardaa, kuwaasoo cadeeyey inay ka maarmeen gudidii dhexdhexaadinta iyo xeer-beegtidii xadhig xidhka ahayd isla markaana ay gudahooda dhamaysanayaan xalinta khilaafkii jiray.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ka tirsan ergooyinkii ka hawlgalay nabadaynta oo halkaa ka hadlay ayaa dhankooda ku bogaadiyey kalsoonida ay labada ardaa dhexdooda isu muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay inay xal kama dambays ah ka gaadhaan xurgufta dhexdooda taallay.

Sidoo kale  weftigii wasiirka arimaha gudaha iyo bulshadee kale ee hawshaasi ka qaybqaatay ayaa  iyaguna waxay ammaan u jeediyeen labadii ardaa ee la dhexdhexaadinayey iyagoo sheegay inay muddo kooban ku dhamaystirtaan waxii dhiman hawsha.

Geesta kale dadweynaha deegaamadaasi ku dhaqan ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ay waxka-qabtaan adeegyadda bulshadda deegaamaasi oo aan waxba laga qaban isla markaana saamayn ku yeeshay shicibka.

 

 

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland.

Leave a Reply