Shirka HOODAALE marna noqon maayo shirkii Garadag, ee wuxu noqon doona mid la mid ah shirkii Daalo iyo Sheekh ka dhacay By Omar Darood Hasan.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxa runtii qoraalkan igu kalifey markii an maanta oo jimcaha mareegaha ku arkey ciidamo iyo siyaasiyin waxmagarato ah ba la dul dhigay shirkii Hoodaale iyo tuuladii Agabar oo la doonayo in la carqaladeyo Aya igu kalifey inaan qormadan qalinka u qaato.

Horta wa nasiib daro iyo waxlaga xumaado inu maamulka Somaliland e madaxweyne Siilaanayo u adeegsato shir dhaqameedka beelweynta Sacad Musa ee hoodaale e danahooda kaga tashaneyaan in ciidamo iyo siyaasiyin waxmagarato loosoo adeegsado islamarkan lagu carqaladeyo caga jugleyn iyo hanjabaado iyo xil ka xayuubin.

Madaxweyne waad ogtahay sidii beeshani abaalka iyo qadarinta ugu hurtey xisbigii ad horjoogaha ka aheyd ee kulmiye waad ogtahay sidii ay kugu listey beeshu ee ay kursiga dalkan ugu sareya kusaartey ila maantan kugu taageersan tahay ,waxase nasiib daro ah sida qaawan ee ad faragalinta iyo qeybtan beesha ugu mashquulsan tahay taasin maaha mid ad faa’iido badan ad ka dheefi doonto mustaqbalka.

Haddaba Anigoo ku hdalaya magaceyga iyo inta ila fakar ah ee aaminsan inu shirkaasi dhaco islamarkan uu yahay mid dhaqan waxanu uga digeyna maamulka Siilaanayo inu faragalinta qaawan kala dhex baxo oo anu shirkaasi siyaasad iyo ololan doorasho nagusoo dhex tuurin ciidamada iyo caga jugleyntan naga daayo. Runtii waxan u sheegaya maamulka iyo inta fakarkaga khaldan aamisan in ey beeshu la mid tahay beelaha Somaliland dhaqan ahan iyo caado ahaan ba,

.Waxan kusoo gabagabeynaya qormadeydan digniinta ah wa inu maamulku Siilaanayo joojiya faragalinta shirweynaha hoodaale ee beelaha Sacad Musa doonayso in ay AAYAHOODAiyo DANAHOODA KAGA TASHADAN LA CARQADEYO.

Runtii beesha Sacad Musa maaha sida ad moodeysan ee waxanu la mid nahay walaalaheyo ee ma nihi kuwo mareykan iyo yurub ka yimid sida beelaha Somaliland u fakaran islamarkan shirarkoodan u qabsadan si ka duwan oo anu u qabsaneyna ma jirto, shirkayagu ma noqon doono shirkii Garadag ee wuxu noqon doona shirkii Daalo iyo Sheekh ka dhacay mid la mid ah ee danaha iyo aayaha beelahaasi kaga tashaneyeen oo kale.

Somaliland guul iyo gobonimo

Wa bilaahi tawfiiq

Omar Darood Hassan
Norway

darood2@hotmail.com

Leave a Reply