Shirkada baadhista shidaalka iyo mid ka mida Beelaha Degaanka Burco oo isku fara saaray shir ka dhacay gobolka .

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Beesha  Reer  Xuseen oo ka mida Beelaha dega Gobolka Togdheer  iyo  horjoogayaasha shirkada shidaalka oo mudooyinkii u danbeeyay khilaaf ka dhex-oognaa ayaa isku fara saaray  shir uu  ku dhex dhexdhexaadinaayay   Gudoomiyaha gobolka Togdheer Ahmed Cumar X Cabdilaahi ( Xamarji)  , shirkan oo ay dalbadeen shirkada shidaalka oo degaanka ay degaan Beeshani ka bilaabay sahamin aanay cidna  o gaysiin oo ay ku bilaabeen xagaaf dhirtii ay xoolahu daaqaayeeen oo ay.

 

Dood dheer iyo falanqayn ka dib aaya aakhirki shirkii ka dhacay Gobolka Togdheer saaka  waxa uu noqday mid dhiciisoobay ka dib markii  horjoogayaasha shirkada shidaalku iska indha tireen in xuquuqdii Beeshaasi  lahayd iyo saamiga shaqalaaha  ay dadafeeyeen taasi oo aakhirki sababtay in faraha layskula tago .

mid ka mida Horjoogayasaha shidaalka ayaa ku tiraabtay  :” Degaanka  shidaalka laga qodaayo waxaad ka degtaan dhibicdaa hadii aad qaadanwaydaan amarka dawlada waanu idin xidhxidhi.

Sidoo kale mid ka mida cuqaasha Beesha reer  Xuseen oo arintasi ka cadhaysan ayaa  budh kula kacay kaaso uu dhexmaray dagaaal gacan ka hadal ah.

 

 Waxaanu  sheegay caaqilku in hadii beeshoodu ay ka waayaan xaqa iyo xuquuqda ay ku leeyihin Sanyare aanay meel kale-na  ka helayn  wax ay leeyihiin waxaanu nidar ku maray in ay gabi ahaanba  ka mamnuuceen shirkadan degaankooda .

Geesta kale Gudoomiyaha gobolka Togdheer oo dhex fadhiyay shirkan  si uu u dhexdhexaadiyo labadan dhinac ayaa u maaro-waayay arintan ka dib markii ay labada dhinac uu hadalku ka duulay .

Shirkadan Baadhista shidaalka  ee  degan Burco ayaa ah mid ay gacan ku hayaan  shaqsiyaad kooban  waxaana ay  shakhsiyaadkaasi uga faaiideeyaan  oo kaliya dad gaara oo ay qaraabo hoose yihiin ,halka aaney uga wada shaqaynin bulshadda wada degen gobolka ,waxaaney arintani sababtay in ay hawlaha shaqo ee ay Shirkadani gobolka ka wado qaybo ka mid ah beelaha ku dhaqani ka horyimaadaan ka dib markii au u adkaysan waayeen Cadaalad-dara jirta waxna laga waydiinwaayay hawlaha socda ,kuwaasi oo ay dhawr jeer baaqyo culculus ka soo saareen .

 

 

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply