Shirkadaha shidaalka ka baadhaya Togdheer iyo dadka degaanku way kala war la’yihiin By Maxamed Abdilaahi.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Is faham la’aanta ka taagan shirkadaha doonaya inay shidaal ka baadhaan gobolka togdheer iyo dadwaynaha degaanku waxay u egtahay mid kaaf iyo kala dheeri ah.
Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee shidaalka baadhayaa waxa u muuqda faaido aad u badan oo xaddgaaf ah oo ay ka heli doonaan hadii lagu guulaysto in shidaalka la soo saaro. Waxa u muuqda mashaariic iyo qandaraasyo iyo fursado shaqo oo aad u badan oo ku jira mashruucan mudada shidaalka la baadhayo iyo marka shidaalka la soo saaraba. Waxa shirkadaha shidaalka u muuqda nimco iyo barwaaqa-sooran aan dhamaanayn ay ka helayaan dhulkan ay rabaan in ay shidaal ka soo saaraan.

Dadka degaankana waxa u muuqda in dhulkii ay boqolaalka sanadood deganaayeen laga qaadayo oo ay shirkado dad gaar ahi(private) leeyihiin qaadanayaan, si ay shidaal ugala soo baxaan. Waxa u muuqata in Faaiidada iyo barwaaqada laga helayo shidaalka in aanay waxba ku lahayn, ama aan iyaga waxba uga cabin, oo ay shirkadahaasi iska leeyihiin oo ay qeedhinka ku sii kala qaybsadeen. Waxa u muuqata in xataa fursadaha shaqada iyo qandaraasyada cida bixinaysaa inay tahay mulkiilayaasha shirkadaha shidaalka oo laga yaabo inaanay qofba ka garanaynayn ama aanu qof qudha oo degaanka ahi xataa ka mid ahayn, rejo badana aanay dadka degaanku qabin in ay wax macno leh ka helaan fursadahaas markaad somali iyo dhaqankeeda, iyo sida hadaba shirkaduhu u dhaqmayaan eegto.

Iska daa barwaaqo iyo dhaqaale ay ka faaiidaane dadka degaanka waxa ugu daran oo ay ka werwerayaan in shidaal baadhistani uga darto oo noloshooda, nolosha xoolohooda iyo adhaqaalohooduba inay meel aad u liidata ku dhacaan. Waxay werwer ka qabaan in baadhista shidaalku ay xaalufiso oo nabaad guuriso dhulka, oo ay adkaato in ay dib xoolo ugu dhaqdaan. Waxay ka wewerayaan in xoolohoodu dabar go’aan oo ay meel ay ku dhaqdaanba waayaan. Waxay ka wewrayaan in beerohooda laga qixiyo oo meel ay beertaan ay waayaan.Waxay ka wewerayaan in dhulku sumoobo oo kimikalka shidaalku meel walba ku daadato oo xataa xareedii ay dhulka ka cabi jireen marka roobku dao’ ay sumowdo oo cuduro laga qaado oo ay ku dhintaan. Waxay ka wewerayaan in xareedii iyo daadkii intuu dhulkaa nadiifta ah soo maro berkedaha, ceelasha iyo baliyada u buuxin jiray sumoobo oo dadka iyo xooluhuba ku dhintaan ama cuduro laga qaado. Waxay werwer ka qabaan in ay isu raacaan xaaluf iyo boodh, xoolohooda oo dabar go’a, cuduro iyo caafimaad xumo, Cidhiidhi degaan iyo dhulkooda oo laga bara kiciyo oo shirkado degaan iyo khayraadka dhulkooda oo dad kale rartaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa cad in qolyaha shirkadahana ay u muuqato janno, dadka degaankana ay u muuqato in shidaal baadhistani noqon karto halaag, qasaare iyo jab aan laga soo waaqsan Karin oo ku dhaca noloshooda, nolosha xoolohoodaa iyo degaanka ay ku noolyihiinba. Kaba sii darane xaqiiqada meesha taala ee aan indhaha laga qarsan karini waxa weeyaan labadaa qoloba (shirkadaha iyo dadka deegaanka) waxa u muuqdaa waa wax xaqiiq run ah oo aan laaxin laga goynayn.

Hadaba si xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan, si shidaalkana loo baadho ama loo soo saaro dadkan degaankana noloshooda meel loo saaro, waa in si qoto dheer loo wada hadlaa, waa in miyir-qab laisula yimaadaa oo aan qaf-qaf iyo RRU iyo askar la isu soo kaxaysan. Waayo faraqa meesha ku jiraa mid ciidan wax ka qaban karayo maahe e waa mid caqli u baahan. Maaha mid u baahan cabudhin iyo dadka oo loo hanjebo. Maaha mid u baahan is maqiiq iyo deg deg iyo ka gaadhsii. Waa in werwerka ay bulshadu qabto qodob qodob loo eegaa oo xal aan khiyaamo iyo been ahayn looga gaadhaa. Bulshadu waa in ay mashruuca u aragtaa horumar u soo kordhay oo aanyay u arkin in lagu soo duulay. Werwerkoodana waa in xal loo helaa, Alle ha inala qabtee..

Waxaan ku soo geba gebaynayaa, dadku yay iyagu isu muuqan,oo aan ciidan la isu urursanine, xilka iyo masuuliyada saarani ha u muuqdo. Weliba waxaan madaxda qaranka xasuusinayaa in markay iyagu xilka umadda ka saran xasuustaan ayaa dadkuna xilka qaranka iyo horumarkiisa ka saran xasuusankaraan.

Gudoomiyaha gobolka Togdheerna waxaan leeyahay gudoomiye nabad ayaa badhasaab nimo iyo madaxnimo lagu xaragoodo lehe ciidanka aad Sanyare ku saartay sooceli. Arinka meesha yaalaa mid ciidan wax ka qaban karo maahee waa mid wadahadal u baahane. Talada suldaanka, cuqaasha iyo wax garadka ha loo soo noqdo. Aan wada hadalona waa aan is fahano, maxaa lagu diidayaa ee dhibka lagu falayaa.

Allaa mahad leh.

Mohamed Abdillahi Issa

maxamed67@hotmail.com

Leave a Reply