Sida ay Ceerigaabo Saameynta Xun Ugu Yeesheen Hirdanka Siyaasada iyo Dhaqaalaha ee U Dhexeeya Puntland iyo Dawlada Federaalku Waxay Muujinaysaa In Somaliland aanay Lahayn Madaxweyne Talinaya.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Wax qarsoo maaha ismaan dhaafka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee mudooyinkan danbe u dhaxeeyey maamul goboleedka puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole iyo dawlada federaalka ah ee somaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud khilaadkaasina wuxuu ahaa mid soo jiitamayay mudadii sanad ku dhawaadka ahayd ee ay jirtay dawlada deferaalka ah ee somaliya.Hase yeeshee todobaadyadii ugu danbeeyey ayuu xaalku soo gaadhay Dharka waxaan ku qariyaba dhaaftay marada sheekadu.

Waxaanu faroole todobaadyadii ina dhaafay warbaahinta u sheegay in maamul goboleedka puntland uu ka madax banana yahay dawlada ferderaalka ee somaliya iyo in uu xidhiidhkii diblumaasiga ahaa u jaray dawlada federaalka ah ee uu fadhigeedu yahay mugdisho,waxa kale oo uu maamul goboleedka puntland go’aan ka soo saaray mucaawinooyinkii la siin jiray ee loo soo marn jiray dawlada federaalka ee somaliya.

 

Waxaana todobaadkii ina dhaafay loo diiday in uu dekeda boosaaso ku soo xidho oo uu ku dajiyo mucaawino uu markabkaasi siday oo loo soo diray danyarta reer puntland oo ay soo direen ururka bisha cas ee turkiga,hasa yeeshe turkigu wuxuu mucaawinadan markii hore si toos ah ugu soo diray dawlada federaalka ah, mucaawanaadaasi oo aad u badneyd dawlada

 

federaalkuna markab ka mid ah ayay u soo dirtay puntland.

 

Hasa yeeshee maah maah soomalaiyeedbaa jirta oo tidhaahda mulac caruuri qabatay iyana waa ka ciyaar isna waa ku qudhgooyo.puntland waxay diiday in markabkaasi lagu dajiyo dalkeeda iyadoo dawlada turkiga iyo guud ahaanba beesha

 

caalamkana ugu baaqday in wixii mucaawino ah ee la siinayo puntland iyada toos loogu soo diro oo aan loo soo marin dawlada federaalka ah, waxana sida la wada og yahay markabkaasi mucaawinadahaa ee ay diiday puntland ka faa’iidaystay xukuumada siilaanyo.

 

Hada saaxiibayaal marka aan u soo gundadago nuxurka qoraalkan iyo ujeedada aan ka leeyahay waxay tahay hirdanka iyo ismaan dhaafka siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya maamul goboleedka puntland iyo dawlada federaalka ah ee somaliya sameynta xun ee uu ku yeeshay gobolka sanaag ee Somaliland gaar ahaana magaalada ceerigaabo, maah maah soomaaliyeedba jira oo tidhaahda Adhi Shugux shugux kama ilbaxo.,waxaana taa u

 

daliil ah dadweynaha Somaliland waxaa warbaahinta looga sheegaa in magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo ay la mid tahay magaalooyinka kale ee dalka, waxase muuqata in arintaasi uu mugdi badani ku jiro oo ceerigaabo la xasuusto xiliga ololaha doorashada oo kaliya.

Hadaba magaalada ceerigaabo oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ma gaadho lacagta Somaliland,lacagta lagu isticmaalo ee wax lagu kala iibsadaana waa shan shantii boqol ee shilling ee isku taalay ee uu ka tegay siyaad barre iyo lacag boosaaso lagu daabaco oo ah kun kun shilin oo isku taala, waxaana

 

dhacday n dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee u dhexeeya maamul goboleedka puntland iyo dawlada federaalku uu sababay in puntland ay gabi ahaanba joojiso isticmaalka lacagta shan shanta boqol ee shilin ee isku taala ee somaliya.

Ceerigaabo mar hadii ay dhaqaale ahaan ku xidhan tahay puntland waxay ku khasban tahay in go’aan kasta oo dhinaca dhaqaalaha ah oo ay qaadato puntlnad in ay la wadaagto waxaana magaalada ceerigaabo u baryay waa cusub oo horseeday muran iyo is qab qabsi markii raggii lacagta sitay ee hudheelada wax ka cunay loogu jawaabay sheekhow lacagtani ka soco maysee mobilka keen intaad

 

lacgta keenayso nin reer ceerigaabo ah ayaan weydiiyey ninkaan mobilba sidan maxaa lagula xaalayaa wuxuu iigu jawaabay go’a saraa laga reebayaa inta uu lacagta keenayo.

 

Waxaba intaa ka sii daran dadkii ay u rasasneyd lacagta shan shanta boqol ah ee dawladii siyaad barre ee shalay maal qabeenada ahaa maanta lacagtoodii iyadoo gacantooda ku jirta ay ku faalsoowday.

 

Hadaba akhristow ceerigaabo waa magaalo madaxda gobolka sanaag ee Somaliland maah maah soomaliyeedbaa jirta oo

 

tidhaahda dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. Reer ceerigaabo waxay dani baday inay fuliyaan awaamiirta dhinaca dhaqaalaha ee ka soo baxda boosaaso iyo garoowe.

 

Waxaana muuqata in ceerigaabo maanta ay la mid tahay jasiiradii abu muusa ee ay dhaqaale ahaan gacanta ku haysay dawlada iiraan badhtamihii sanadihii sideetamaadkii lacagta rasmiga ah ee ka shaqeysa jasiirada abu muusana ay ahayd lacagta iiraan ,dawlada imaaraadka carubtuna waxay sheegi jirtay in jasiirada abu muusa ay ka mid tahay dalweynaha imaaraadka carabta waxayna u magacaabi jirtay masuuliyiin aan maamulka wax saameyn ah ku lahayn oo la mid ah dadka shacabka ah.

Hadaba marxaladii xiligaasi ay imaaraadka carbtu ka taagnaayeen jasiirada abu muusa wuxuu ahaa daba gaale abeeso dushaasuu ka qabaa.

 

Hadaba akhriste markaad si rasmi ah u ogaato marxalada ay maanta ku sugan tahay ceerigaabo waxaad ogaanaysaa in Somaliland ay ka taagan tahay ceerigaabo halkii imaaraadka carabtu ay ka taagnaayeen jasiirada abu muusa,puntlandna ay ka taagan tahay ceerigaabo halkii jasiirada abu muusa ay ka taagneyd dawlada iiraan.

 

Dhacdadan iyo kuwa kale ee la midka ah lama arag madaxweyne siilaanyo oo ka hadlaya waxaana hubaal ah in

 

uusan ogeynba oo uu la mid yahay odey aanay talaba faro ugu jirin oo ku jira xabsi guri mar marka uu is yidhaahdo wax warayso ee uu wax weydiiyo inta ku xeeranna iyado oo degmooyin ka tirsan Somaliland dhaqaale ahaan laga xukumo dal kale waxay ugu jawaabayaan madaxweyne dalkeena nimcaa fadhida.

Hadaba isku soo wada duuduboo Sida ay Ceerigaabo Saameynta Xun Ugu Yeesheen Hirdanka Siyaasada iyo Dhaqaalaha ee U Dhexeeya Puntland iyo Dawlada Federaalku Waxay Muujinaysaa In Somaliland aanay Lahayn Madaxweyne Talinaya.

 

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

 

Tel: 4425243

 

Email:suudi88@gmail.com

 

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply