Suldaan Bare Warsame oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa.

Filed under: Latest News |

Hargysa,(BM)- Waxa si hee qaran ah maanta salaadiii casar kadib loo aasay Suldaan Bare Warsame Shire oo ka mid ahaa salaadiinta Somaliland gaarahaan gobolka Hargysa, suldaan Bare ayaa waxa baabuur uu saarnaa qaaday daad xoogan oo ka soo rogmaday dooxa Dacarbudhuq iyaga oo ku sii jeeda daminta colaadii shalay ka dhacaday deegaanka God-hiili ee bariga Somaliland taasi oo u dhaxaysay beelaha Sacad Yoonis iyo reer Iidle oo wadadegaxagaas.

Suldaan Bare oo ahaa nin nabada jecel kana soo qayb qaatay dajinta colaado badan oo ka dhacay Somaliland waxa uu ka mid ahaa ragii dhidibada u aasay nabada ay hada Somaliland ku naaloonayso, waxana uu ahaa shaqsi jecel horumarka bulshada taasi oo uu aad u necbaa qabyaalada iyo wax kasta oo kala fogaynaaya shicibka Somaliland, waxa sidoo kale uu kaalin geesnimo leh uu ka ciyaaray damintii colaadii Kalshaale.

Suldaan Bare Warsame waxa ay mudo dheer ay saxiib aad isugu dhow ahaayeen madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo runtii ay geerida suldaan Bare maanta aad uga nixisay, inkasta oo uu la wadaago dadweynahii uu suldaanka u ahaa iyo intii taqnaanayba hadana madaxweyne Siilaanyo waxa ay mudo 30 sano ka badan ahaayeen saxiibo aan la kala dhex marin.

Suldaanka oo maanta salaadii casar lagaga tukaday masaajidka tabliiqa ee ku yyaala bariga magaalada Hargysa ayaa waxa salaadii jinaasada ka soo qayb galay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo madaxda xisbiyada mucaarida ee Wadani, ucid,kulmiye iyo madax aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin salaadiin iyo hogaamiye dhaqameedyo tiro badan.

Gaadhiga uu saarnaa Suldaan Bare Warsame ee uu daadku qaaday ayaa waxa la saarnaa laba suldaan oo kale oo iyagu ka bad baaday daadkaasi kuwaasi oo kala ah Suldaan YusufDucaale oo isagu gaadhiga waday iyo Boqor Maxamed Cali Carab oo iyagu dirqi kaga bed baaday daadkaasi, taasi oo maydka Suldaan Bare Warsame Shire laga helay meel 14 KM, u jirta halkii uu ka qaaday.

Burcomedia.com

Burco Office.

 

Leave a Reply