Suldaan Ka Mid Ah Salaadiinta Gobolka Togdheer Ka Digay Ciidamo Xukuumadda Siilaanyo Geysay Deegaanka Sanyare Iyo Warar Kale .

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Suldaan Xamse Shaqale oo ka mid ah salaadiinta gobolka Togdheer ayaa si weyn uga soo horjeestay ciimado aad u tirobadan oo ay Xukuumadda Siilaanyo geysay deegaanka Sanyare ee Konfurta Magaalada Burco ,ka dib markii uu Khilaaf xoogani ka dhex qarxay Shirkadda Shidaal baadhista iyo Macdan urursiga ee Genel Energy  iyo Beesha reer Xuseen .

 

Suldaanka oo u waramay Burcomedia  ayaa dusha u saaray cawaaqibka ka dhasha ciidankaasi Xukuumadda Siilaanyo ,waxaanu sheegay in ay  Dhaw Toban Gaadhi Gaadhi Oo Tikniko ah geysay xalayto Tuuladda Sanyare si ay u meel-mariyaan ujeedooyinka Shirkadda sahaminta Shidaalka oo iyana xoojisay Cagafyadii ay Dhirta ku jaraysay deegaankana ku nabaad-guurinaysay.

 

“ Iyadoo awal hore-ba la ogaa oo xuquuqdayadii nala duudsiiyay oo la yidhi kama hadlikartaan ayaa hadana , Laba Boqol oo askari iyo gaadiid badan oo ay wataan  xalayto la dajiyay  deegaanka Sanyare amarkaasna waxa bixiyay Xukuumadda Siilaanyo iyo maamulka gobolka Togdheer ,ujeedada laga leeyahayna waa Boob iyo Dhac ay Xukuumadda Siilaanyo wado oo ay ku doonayso in ay deegaankayaga kaga fushadaan danaha ay leedahay Shirkadda Sahaminta wadaa ee Genel Energy “ Sidaasi ayuu Suldaanku yidhi Suldaan Xamse Shaqale .

 

Waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata .” Sidoo kale deegaankaasi waxa la geeyay Cagafyo badan wixii dhir iyo caws ku yaalayna waa la gooyay ,dhulkaana la dhigay  markaa waxaan halkan ka cadaynayaa beeshu deegaankeeda way difaacanaysaa ,wixii meeshaa ka dhacana waxa dusha ku qaadan-doono Xukuumadda Siilaanyo  ,markaa arintaasi waanu ka digaynaa ,waananu cambaareynaynaa “.

 

 Geesta kale wararka ka imanaaya deegaanka Sanyare ee Konfurta gobolka Togdheer ayaa la sheegay in ay fashilmeen Kulan ay isku yimaadeen maanta Saraakiisha Ciidanka halkaasi la geeyay hugaaminaaya iyo Odayaasha deegaankaasi ka dib markii lays af-garanwaayay ,waxaaney wararku intaasi ku dareen in ay xaalada deegaankaasi si weyn u kacsantahay ,iyadoo dhinaca kale-na la sheegay in Boqolaal Kun oo geed la jaray dhulkana la dhigay .

 

Sidoo kale Sabtidii shalayto ayay ahayd markii ay iyana guuldaraysteen sedan oo kale Shir ay dalbadeen horjoogayaasha Shirkadda Shidaalku oo badhasaabka gobolka Togdheer uu ku  dhex-dhexaadinaayay Beesha reer Xuseen iyo Qolada Genel Energy .

 

Khilaafka u dhexeeyay Beesha reer Xuseen ee HY ee deegaanka Konfurta Burco iyo Shirkaddan Sahaminta Shidaalka wada oo ay shakhsiyaad beesha Siilaanyo ka tirsani ay ka faa’idaystaan  ayaa mudooyinkii u danbeeyay soo xoogaysanaayay isla markaana magaalada Burco si weyn looga dareemay ,waxaaney Shirkadani si badheedh ah u xaqirtay xuquuqda Shaqo ,iyo mida talo ee ay deegaankooda ku leeyihiin beelahan ku uumani..

 

 

Burcomedia

Head Office.

Leave a Reply