Suuq Balaadhan Oo Casri Ah Oo Laga Hirgaliyay Bariga Magaaladda Boorame.

Filed under: Latest News |

BOORAME (BM)- Xaafadda  Sh. Cali Jawhar ee bariga magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa laga hirgaliyay Suuq balaadhan oo loo bixiyay Awdal City Center, kaasi oo uu maal galiyay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Xuseen Daahir Mixile.

Badhasaabka Awdal iyo Madaxda Dawalada Hoose ee Boorama ayaa xadhiga ka jaray suuqaasi, waxana ka soo qayb galay xafladaasi furiaanka ah, Madax kala gadisan oo kala socoday qaybaha bulshadda  iyo dadwayne aad u tiro badan.

Maxamed Daahir Mixile oo ah masuulka suuqan ayaa ka waramay ujeedadaii keentay inay suuqan dhisaan, waxana uu yidhi “Markaan aragnay inay magaaladu qabto baahi wayn oo dhinaca suuqa ah, markii aan is tusnay in suuqayadu ay aad u kooban yihiin isla markaana dadka xaafadani ay u baahan yihiin inay helaan meel u dhow oo ay ka adeegtaan, waxa aan dhisnay suuqan oo ah mid aad u balaadhan, isla markaana waxa uu socday dhismaha suuqani mudo 2 sanadood ah, waxana aan sheegaynaa in baahida kaliya ee jirta maantu ay tahay wado la’aan haysata suuqan, waxana aan uga baahanahay D/Hoose inay u banayso wadooyinka”

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyay muwaadinka suuqan dhisay, waxana ay xuseen inuu if iyo aakhiraba heli doona ajarkiisa, tani badalkeeda waxa ay ugu baaqeen dawlada hoose inay wadooyinka u banayso oo ay ka hawl gasho sidii jidad uu suuqani u heli lahaa.

Maayar Ku Xigeenka Boorama Maxamed Faarax Dheerayste, Xil. Cabdi Dhagawayne, Xil. Rooble iyo Xoghayaha D/Hoose Maxamed Cabdi Xaashi Xamari oo hadalka isaga daba xigay ayaa qiray in hawsha uu muwaadinkani qabtay ay tahay midii looga baahnaa inay D/Hoose iyo D/Dhexe qabtaan, hadiise maanta la helay masuuliyada saarani ay tahay inay ka hawl galaan sidii looga shaqaysiin lahaa, iyaga oo balan qaaday inay wadooyinka u furi doonaan, sidoo kalena dhinaca cashuurta dib u eegi doonaan, muwaadinka suuqan dhisayna la wadaagi doonaan waayo aragnimadooda ku aadan sariibadaha iyo sidii tayadeeda loo kordhin lahaa.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu wax ku dayo u baahan ku tilmaamay talaabada uu qaaday muwaadinkani, isaga oo xusay in fikirkan iyo fikiro noocan oo kale oo la isku daraa ay wax badan ka qaban karaan haqab-tirka baahiyo badan oo ka jira magaalada Boorama.

Geesta kale waa markii u horaysay ee Suuq sidan u balaadhan laga furo xaafadaha bariga Boorama, waxana uu buuxinayaa baahida dhinaca adeega iyo dukaansiga ah ee ay dadka xaafadahani qabeen, waxana tani ku lahaan cabsi isa soo taraysa oo ay dadka xaafadahan oo maanta ah meel loo dalxiis tago ay ka muujinayaan qashinka tirada badan ee uu suuqani soo kordhin doono, waxana meesha ku jirta in masuuliyada maaraynta qashinkaas ay dusha u ridan doonto D/Hoose oo Boorama.

 

 

Burcomedia.com

Boorame.

Leave a Reply