Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Hawlgal Ay Ciidanka RRU Xalayto Ay Dad Ku Qabqabteen Burco.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Taliyaha Ciidanka booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Axmed Cabdiraxamaan Ilkacase ayaa ka faa faahin ka bixiyay Afar qof oo ay xalayto saqdii dhexe  Ciidanka RRU weerar ay ku qaadeen xaafado ku yaala magaalada Burco ay kala baxeen ,kuwaasi oo uu ku jiro ganacsade Sheikh Siciid Axmed Jaar oo gobolka Togdheer si weyn looga yaqaano.

Taliyaha oo xafiiskiisa Burco ugu waramay qaar ka mid ah  warbaahinta ayaa sheegay in ay baadhis ku samayn-doonaan  tacadiyo iyo dhac loo gaystay  xaafadahan ciidankaasi weerareen waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  iyo waxa hadaladiisi.

” Halkan waxaan ka yara iftiiminayaa hawlgal xalayto magaalada ka dhacay ,hawlgalkaasi waa hawlgal caadiya oo ka mid ah hawlgaladii ciidamada boolisku samayn jireen ,hawl gal gastaana kolay khaladaad ayuu yeelan karaa  wax sax ah iyo waxaan sax ahayn , ,waxaananu rajaynaynaa in aanu ogaano wixii khasaare ah ee soo baxa ,inakastoo anagu wax dhibaato ah aananu ogayn ,laakiin dad la qabtay ayaa jira oo Afar ah ,dadkaa la qabtayna waa dad la tuhunsanyahay ,hawlahan oo kale-na gobolka dhawr jeer oo hore ayay ka dhacday ,dadkuna marka la qabto haduu danbi leeyahayna oo raad loo hayana danbiile ayuu noqonayaa hadii kale-na danbi yeelan maayo , markaa aniga iyo badhasaabku waxaanu ku dadaalaynaa wixii khalad ah ee jira in la saxo iyo cabatinba ,hawshaasina si adag ayaanu uga hadalay ,waayo ? waxna waa wax u baahan in deg deg wax looga qabto ,laakiin hadii qof telefoon aanu uga yeedhi karo gobol ahaan , hadii hawlgal lagu fuliyo dhibteeda ayay leedahay ,markaa waxaanu leenahay dadweynaha wixii khalad ah ee jira waanu ka raaligalinaynaa ” Sidaasi ayuu Taliyuhu hadalkiisa kaga baxay.

Sidoo kale dadkan ay qabqabteen Ciidanka RRU ee Sheikhan caanka ahi ku jiro ayaa sedex ka mid ahi waxay ahaayeen dhalinyaro Walaalo ah kuwaasi oo ay ciidanku qabteen ka dib markii ay gurigaasi ka waayeen ,Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Xagar oo ah Aaabaha dhalinyaradan dhalay .

Geesta kale  Ciidanka RRU ayaa labadan guri ee ay dadkan ka qafaasheen ka gaystay Boob ,Burburin iyo Dhac sida ay xaqiijiyeen dadweynahii Xaafadahaasi ku sugnaa markii hawlgalku socday .

Maaha markii u horeysay ee ay Ciidamadda RRU si araxan daro ah xali danbe ay guryahooda dad ugala baxaan gudaha magaalada Burco.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply