Ururka THO Oo Naafadda Gobolka Togdheer U Qabtay Kulan Lagaga Hadlaayay Xuquuqda Naafadda Iyo Iyo Duruufaha Haysta .

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Ururka THO ee Naafadda gobolka Togdheer ayaa Kulan lagaga hadlaayay xuquuqdda  dadka Naafada ah iyo sida ay bulshada u la jaan-qaadikaraan  u qabtay  qaar ka mid ah Naafadda Gobolka Togdheer iyo Dadweyne kale .

Kulankan oo ka dhacay Hoteelka Golis ee magaalada Burco oo ay Fun-garaynaysay Hay’adda Abilis ayaa waxa ka soo qaybgalay furitaankiisii Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka ,madax-dhaqameed  iyo marti sharaf kale ,kuwaasi oo ka dhawaajiyay kaalinta  ay naafadu bulshadda kaga jiraan ,xaaladaha nololeed eek u gadaaman iyo xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin.

 

 Guddoomiyaha Ururka THO Baashe Cabdilaahi Aadan oo ugu horeyn faah-faahin ka bixiyay Kulankaasi ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Kulankan waxaanu ugu talogalay in aanu Naafadda gobolka Togdheer ,ku baro xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin ee ay bulshadda kula siman-yihiin ,waxaana hubaal ah in ay Naafadda iyo bulshada kale isku xuquuq yihiin ,markaa waxa loo baahanyahay in ay dadka laxaadkoodu uu kala dhantaalanyahay ay umadda kale la jaan-qaadaan oo ay waxbartaana shaqooyinkana raad-sadaan isla markaana aaney  is odhan Naafo ayaa tihiine ee ha shaqaysanina “ Sidaasi ayuu yidhi Gudoomiyuhu .

 

 Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Ibraahim Jaamac Basaale Gaboobe iyo Xildhibaan Maxamuud Axmed Diingool oo ka mid ah golaha deegaanka Burco ,waxaaney labada xildhibaanba ku adkeeyeen dadkii Naafadaha ahaa iyo xubnihii kale ee kulankaasi u furamay in ay ka faa’idaystaan ,isla markaana Duruusda loo dhigo ay Naftooda wax kaga bedelaan bulshadda kale-na ugudbiyaan ,waxaaney si weyn ugu mahad-naqeen ururka Naafadda THO oo ay ku amaaneen kaalinta horumarineed ee uu ka qaatay  Naafadda gobolka Togdheer  mudadii uu jiray.

 

Geesta kale waxa iyna halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah Naafadda gobolka Togdheer ,waxaaney dhamaantood ka dhawaajiyeen duruufaha kala gadisan eek u xeeran Naafadda gobolka Togdheer .

 Geesta kale Ururka Kulankan soo qabanqaabiyay ee Togdheer Handicap Organization oo mudo Laba Sano ah jiray ayaa kaalin weyn oo dhinacyo badan leh ka ciyaaray horumarinta Naafadda gobolka Togdheer ,waxaanu isbedel  iyo wacyigalin joogto ah ku sameeyeen Naafadda gobolkaasi oo ay ku gadaaman-yihiin Duruufo dhinacyo badan lehi ,kuwaasi oo ay waxba ka qaban-waydey Xukuumadda talada haysaa..

Burcomedia.com

Head Office.

Leave a Reply