Wafti Uu Horkacaayo Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco Oo Kormeer Ku Tagay Degmadda Kalbare Ee Waqooyiga Burco .

Filed under: Latest News |

Burco-Bm-Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo ka mid ah  golaha deegaanka Burco iyo Wafti iskugu jira Ganacsato iyo  Qurbo-joog oo uu horkacaayay ayaa Kormeer indho indhayn ah oo uu ugu kuurogalayaan baahiyaha deegaankaasi ka jira  ku tagay Degmadda Kalbare iyo deegaamadda ku xeeran ee Waqooyiga Burco .

Sidoo kale Waftigan ayaa mudadii ay ku sugnaayeen deegaamadaasi ,baahiyaha ka jira ka xog-waraystay ,Waxgaradka  iyo Madax-dhaqameedka deegaankaasi  ,kuwaasi oo ay kulamo la yeesheen .

Waxgaradka deegaanka Degmadda Kalbare oo kulamadaasi ay waftigan xildhibaanka la qaateen ugu soo bandhigay dhibaatooyinka deeganka ka jira ayaa sheegay baahiyaha ugu daran ee haystaa in ay ugu waaweyn yihiin Biyaha ,Caafimaadka iyo Waxbarashadda ,kuwaasi oo ay ugu baaqeen Wasaaradaha ku shaqada leh in ay si deg deg ah wax uga qabtaan .

Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay Wasaaradaha Caafimaadka ,Biyaha , Waxbarashada iyo Qurbajooga deegaanka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan baahiyaha bulshadda deegaankaasi ku xeeran ,kuwaasi oo uu xusay in dhibaatooyin xoogan ku hayaan.
Waxaanu Xildhibaanku intaasi ku daray gole deegaan ahaan in ay gacan ka gaysan-doonaan caqabadaha bulshada ku xeeran ,isla markaana ay gudbin-doonaan

Geesta kale Waftigan uu Xildhibaanku hugaaminaayay ayaa wakhtigii ay ku sugnaayeen deegaankaasi Dhagax-dhigay dhimaha guriga Martidda ee Degmadda Kalbare oo dhismihiisa la bilaabay.

Maaha markii u horeysay ee Xildhibaan Kayse Cabdi Raage  uu booqdo deegaanka Kalbare oo ah deegaankii laga soo doortay wakhtigii Doorashadda golaha deegaanka Burco .

 

 

 

 

Burcomedia.

Burco Offce.

Leave a Reply