War Deg Deg Ah. Ciidanka RRU-da Oo Xalayto Xaafado Burco Ku Yaala Kala Baxay Dhawr Qof Oo Uu Ka Mid Ahaa Sheikh Siciid Axmed Jaar.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Ciidamadda RRU iyo SPU oo is barkan ayaa xalayto waabarigii dad ka qabqabtay   Xaafado ka mid ah Xaafadaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer .

Ciidamadda ayaa sida ay Ilo xogogaal ahi Burcomedia  u xaqiijiyeen Xalayto guryahoodii kala baxay Dhawr Qof oo uu ka mid ahaa Sheikh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah Culimadda  gobolka Togdheer ,halka Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Xagar kale oo ay isna doonayeen  Ciidamadani markii ay gurigiisii ka waayeen ay  ka xaysteen Caruur uu dhalay ,oo Arday ahayd.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin ujeedada ay Xukuumadda Siilaanyo ka leedahay Qabqabashadda dadkan ,waxaana la xaqiijiyay in isla xalayba loo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa .

Falkan ay RRU ay ka xaysteen Sheikh Siciid Axmed Jaar iyo dhalinyaradan oo ka dhacday galbeedka Burco ayaa  ayaa ku soo beegantay ,xili uu magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer uu Shalayto soo gaadhay , Wasiiro uu horkacaayo Wasiirka Madaxtooyadda Xukuumadda Siilaanyo Xirsi Cali X. Xasan iyo waliba Dr. Cabdi Aw Daahir.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply