War DEG DEG Ah: Kooxo hubeysan oo goor dhoweyd Magaalada Muqdisho Ku Dilay Injineer Ka Shaqayn Jiray Raadiyo Banaadir.

Filed under: Latest News |

Burco(Bm)-Kooxo bastoolado ku hubeysan oo aan wali la aqoonsan ayaa Saaka subaxnimadkii ku dilay degmadda Shibis ee gobolka Banaaadir nin injineer ahaa, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday,Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi.

 

Wararku waxay sheegayaan in kooxahan hubeysan  illaa afar xabadood la heleen injineerka, kuwaasoo keenay inuu soo gaaro dhaawac halis ah.Lama hayo faahfaahin ku saabsan qaabka uu weerarkaas u dhacay hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in injineerka loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho iyadoo xaaladiisa caafimaad ay si aad ah u liidato, halkaasoo wararku ay sheegayaan inuu markii dambe ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Injineerka la dilay oo magaciisa la oran jiray Ing. Axmed Shariif ayaa waxaa uu ahaa farsamo yaqaan ka shaqeeya towerada Idaacadaha, iyadoo la sheegay in mudooyinkan uu si gaar ah uga howlgalayey Raadiyo Muqdisho oo ah idaacad ku hadasha codka dowlada Somalia.

Geesta kale dilkan Injiniirkan caanka ahaa loo geystay ayaa ku soo beegantay  iyadoo Dowladda Somaliya ay saaka dil toogasho ah ku fulisay nin la sheegay in uu toogtay Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa Wariyayaasha Magaalada Mudisho .

 

 

 

 

Burcomedia.com

Muqdisho Office.

Leave a Reply