War Deg Deg Ah . Shir Xaasaasiya Oo Burco Uga Furmay Shirkaddaha Shidaalka ,Gudiyadda Galbeedka Iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha .

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Shir Sex geesood ah oo maal-mihii u danbeeyay la filaayay ayaa caawa ka furmay  magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer .

Shirkan oo  la doonaayo in xal loogu raadiyo  ismariwaaga ka taagan  hawlaha Shidaal baadhista ee Konfurta gobolka Togdheer ,gaar’ahaan deegaanka Sanyare iyo Waraabeeye ayaa waxa ku kulmay  Guriga Martida Burco sida ay Ilo lagu kalsoonyahay Burcomedia u xaqiijiyeen,Wafti uu ka midyahay Wasiirka arimaha gudaha Md Cali Warancade ,Gudiyadda Beelaha Habar Yoonis oo ay horkacayso Talo Iyo Tawfiiq  Madaxda sare ee Shirkadda Genel Energyee Ajanabiga ah iyo waliba Maalqabeenka Shirkadda Petrosoma Maxamed Cali Guray.

Gudiyan galbeedka  iyo Konfurta Burco ayaa la sheegay in ay shirkan wasariika arimaha gudaha ku hordhigeen qodobo ay xanbaarsanaayeen ,kuwaasi oo la sheegay in ay ka midyihiin ,In Beelaha galbeedka Burco ,sida Hy ,Ciise Muuse Iyo Arab Shirkadda Genel Energy ka helaan Saamigooda shaqo $ mida gaadiid ee deegaamadooda .

Waxa kale oo la sheegay in ay qodobadan ka mid ahaayeen in beelaha galbeedka iyo Konfurta Burco ay saamigooda ka helaan Mashaariicaha Dhinaca NGO-yadda iyo Horumarinaha ay qandaraasyadda ku bixisay Shirkadda Genel Energy ee ay siisay Beesha Siilaanyo ee Habar Jeclo iyo Waliba in taladda wax laga siiyo.

Sidoo kale Shirkan oo loo diiday saxaafadda ayaa waxa iyana ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka Degmadda Burco ,waxaana la filayaa in uu socdo ilaa barito ,inkastoo aaney wali wax qodoba ahi ka soo bixin .

 Geesta kale Shirkan  xaasaasiga ah ee dhinacyaddan Burco uga furmay  ayaa ku soo beegmay xili ay laba kaclaysay Xiisadda Genel Energy iyo Beelaha Galbeedka iyo Konfurta Burco ,gaar’ahaan Jiida Waraabeeye iyo Sanyare ka dib markii ay Shirkada Genel Energy ay indhaha ka lalisay ,dadweynaha ku dhaqan deegaamadda ay baadhistu ka socoto ,isla markaana ay ciidamo RRU ah iyo cagafyo is barkan galisay  dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaamadaasi ku dhaqnaa ,taasi oo horseeday in ay ciidamo beeleedyo xoogani ka horyimaadaan.

Shirkadda Genel Energy oo ay gacanta ku hayaan ama ay ka faa’idaystaan Shakhsiyaad beesha Siilaanyo ka tirsani oo madaxtooyadda laga soo qoray isla markaana sheegi-jiray in aaney cidna u joojinaynin ayaa hada u muuqaday in ay indhaheedu wax arkeen  isla markaana ku soo noqday miiska wada xaajoodka.

Burcomedia.com

Burco Office.

 

 

 

Leave a Reply