War Deg Dega : Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Boobay Agabkii Iyo Hantidii Ay Ka Guurtay Hay’adda MSF Xafiiskeeda Burco

Filed under: Latest News |

Burco(BM)   Agabkii Xafiisyada iyo Guryihii hurdada ee Hayaada MSF ee xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa Maanta galinkii danbe gabi-ahaanba la kala boobay .

 Qalabkan Haayadu   ka tagtay oo ah Hanti umadeed oo yaalay guri ku yaala galbeedka magaalada Burco ayaa waxa kala boobay Masuuliyiin  ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo gaar’ahaan Laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer ,kuwaasi oo lagu daad-guraystay gaadiid sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen dad xogogaal ahi .

Boobka Qalabkan iyo Hantiddan Hay’adu ka tagtay  ayaa la sheegay  in buuq iyo sawaxan ka dhashay ka dib markii laysku afgaranwaayay  Computers iyo Muraayadaha LCDTV oo ay  isku qabsadeen masuuliyiinta alaabtan qaadatay oo ay ka mid ahaayeen Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka  Dr Cabdi Yaasin iyo Madaxa Guriga Martida ee Burco Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) taas oo khilaf dhexmaray cida qaadanaysa agabkan ,balse markii danbe xoogoodii ku heshiiyay islamarkaana rartay ,inkastoo la sheegay hadhaagii ka hadhay masuuliyiintaasi in ay iyana boobeen Askar boolis ahi .

Boobkan galabta ka dhacay Xarunta Hay’addan MSF ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo Haayadii MSF ee maamulaysay aanay ka  sii maqnayn mudo ka badan laba todobaad oo kaliya  arintan ayaa waxay mujinaysaa musuqmaasaqa iyo boobka xukuumada Siilaanyo aafeeyay .

Dadweynaha ku dhaqan Xaafada Hay’adani daganayd ee Magalaada Burco ayaa usoo  daawashatagay  dhacdadan foosha xun ee ay masuuliyiintani ku kaceen ,waxaana aad uga cadhooday dadweynaha reer Burco, waxaanay ku baqeen hadii wax laga qabanwaayo in ay iskugu soo baxayaaan Mudaraad balaadhaan oo lagaga soo horjeedo dadka kukacay  arintan.

Geesta kale maal-mihii u danbeeyay ayaa khilaaf xoogani ka taagnaa cida qaadanaysay Agabkan iyo Hantiddan Hay’adda MSF ka guurtay ,waxaana dhawr jeer is hortaagay Ciidanka ilaaladda ka ahaa Gurigan ay Hay’adu degenayd oo ku adkaystay in si cadaan  ah oo sharciga waafaqsan alaabtan looga la wareego .

Burcomedia.com

Hargeysa .

Leave a Reply