Wasaarada Beeruhu Ma Waxay Noqotay Xarunta Nabaad-guurka Dalka?

Filed under: Articles-Maqaallo |

Hargeysa(BM)-Wasaarada Beeraha Somaliland, ayaa lagu eedeeyey inay qeyb ka tahay hirgelinta qorshe sababi kara in Nabaad-guur ku yimaado Beeraha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalku hodanka ku yahay.

Wasiirka Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa toddobaadkii hore la wareegay Siidh dalal qalaad laga keenay oo qiimihiisa lagu qaday laba Milyan oo Doolarka Mareykanka ah ($2000,000), kaasoo sida Wasiirku sheegay ay bixisay ‘Live For Relief And Development’ oo ah hay’ad Kiritaan ah oo sida la sheegay hore dalka u keentay raashin dad ku xanuunsaday.

Hase-yeeshee Qaar ka mid ah Beeralayda Gobolada iyo Degmooyinka dalka, ayaa si adag u naqdiyey Siidhka Wasaarada Beeruhu u qeybisay qeybo ka mid ah Beeralayda dalka, kaasoo ay ku tilmaameen mid macmal ah oo lagu dhaxal-wareejinayo Siidhkii debiiciga ahaa (Organic) ee dhul-beereedka Somaliland caanka ku ahaa, waxana ay ku doodeen Siidhkani yahay mid dhibaato weyn u keenaya Beeralayda maadaama bay yidhaahdeen ‘Beerta lagu abqaalo aanu mar dambe kasoo doonin dalaggii laga filayey, sidii hore u dhacday markii la bedeshay Siidhkii Xab-babka’.

Xubno ka mid ah Beeralaydan oo Wargeyska Yool kula kulmay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wasaarada Beeruhu ku guul-dareysatay inay kaantaroosho dalka kusoo waaridaan Dawooyinka Beeraha, iyagoo aan aqoon u lahayn wax-tarka iyo waxyeelada ay leeyihiin, waxana ay Su’aal geliyeen; Wasaaradii u xil saarnayd ilaalinta iyo horumarinta Beeraha ma waxay isu Xarun loo maro Nabaad-guurinta dalka.

Siidhku wuxuu ka mid yahay meelaha laga baabi’iyo wax soo saarka dhinaca Beeraha ee dal leeyahay, mana jirto cid bulshada ka hubisay tayada Siidhkan, maadaama aan la soo marin hay’adii Qaranka u qaabilsanayd hubinta Kaantaroolka tayada (Quality Control). “Yaa dhaxal-wareejiyey Siidhkii debadiiciga ahaa ee Beeraha Somaliland?!, Wasaarada Beeruhu’se ma waxay noqotay Xarunta Nabaad-guurinta dalka?! .” Sidaas waxa ku tiraabay Aqoonyahan Ahmed Xuseen oo aqoon durugsan u leh Culuunta Beeraha.

Caqabada haysta Beeralayda:

Somaliland waa Caro-san ah oo ka mid tahay meelaha Aduunka ugu wanaagsan Wax-beerashada. Beeralayda Somaliland oo dhaqaalaha dalka kaalin ku yeelan lahaa haddii ay dhinaca Xukuumada ka helaan dhiirigelin iyo qorshe horumarineed oo ku wajahan kobcinta wax soo saarka Beeraha, waxa ku gedaaman caqabado ka hor-taagan inay diyaariyaan Beero dalagyada kasoo go’aa uu ku filan yahay dalka, loona iib-geyn karo dalalka jaarka ah.

Nasiib-daro, wax-tar ha joogee waxa jira waxyeelooyin Beeralayda kaga yimaada dhinaca Wasaarada Beeraha, kuwaasoo ay ka mid tahay tallaabada Xukuumadu gacanta ugu siisay hay’ada WFP iyo dalal kale inay dalka keenaan raashin iyo dalagyada kale ee bulshadu isticmaasho waqtiga ay dalagyadu u soo go’aan beeralayda Wadaniga ah, taasoo caqabad ku noqota Suuqii ay u iib geyn geyn lahaayeen dalagyada u soo go’a, iyo sidoo kale tallaabadii yaabka lahayd ee Wasaarada Beeruhu Sanadkii hore ku xaraashtay Cagafyadii hay’ada Cuntada Aduunku (FAO) ku caawisay Beeralayda Somaliland. Iyadoo Wasaarada Beeruhu hore ugu fashilantay ka midho-dhalinta Bariiskii Baanka Islaamku ku caawiyey Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo uu si weyn uga faa’idaystay dalka aynu Jaarka nahay ee Itoobiya.

Sidaa darteed, waxay bulshadu is weydiinaysaa maxaa Wasaarada ku kellifay inay qeyb ka noqoto qorshe dhaqaale balaayiin Doolarka Mareykanka ah lagu kharash gareynayo Siidh aan waxyeelo mooyee wax-tar u lahayn dalka, waqti Beeralayda Wadaniga ah caqabado ka haystaan doorkii dawliga ahaa ee kaga aadanaa horumarinta wax soo saarka Beeraha, kuwaasoo u hal-u-helidoodu ku siman tahay gacan-qabasho yar oo Wasaaradu ku garab istaagto Beeralayda?. Ma la odhan karaa’se Xukuumada hayn la’aan kama aha’e waa ka hagrasho?.

=

Yool

Leave a Reply