Wasaaradda Hawalaha Guud Ee Gobolka Togdheer Oo Eedo U Jeedisay Golaha Deegaanka

Filed under: Latest News |

Burco (BM)  -Golaha degaanka magaalada Burco ayaa lagu eedeeyay inay muddadii ay xilka hayeen dhulkii danta guud boob culusi ku dhacay, taas oo la sheegay in dhismayaal dan guud ahi ay faraha ka baxeen, lana dhistay dhul dawlada dhexe ay lahayd.

images

Isuduwaha wasaarada hawlaha guud ee Gobolka Togdheer Xasan Qawdhan Warsame (Xasan caanakariye) oo saxaafada kula hadlay magaalada Burco ayaa dawlada hoose ku eedeeyay inay boobeen dhulkii danta guud ee dawlada dhexe masuulka ka ahayd, waxaanu xukuumada ugu baaqay inay usoo gurmato dgul boobka dillaacay Burco, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxaanu yidhi” Danta guud waxa boob iyo fara xumayn badan ku haya dawlada hoose, wareegtooyinka Madaxwaynahana way iska dhega tiraan oo ma daneeyaan anaka ayaa gacanta ka wada saarnay,waxa la joojiyay oo digreeto madaxwayne lagu joojiyay fidinta magaalooyinka ilaa amar danbe in fidinta magaalooyinka la joojiyo,waxa kale oo la amray inay danta guud wixii hawlaha dhul ah ee ay u hayaan ay kusoo wareejiyaan hawlaha guud” Isuduwuhu wuxuu intaa ku daray “fidintiina may joojinee way wadaan oo saakadan bay wadaan waraaqihiina waanu gaadhsiinay digretooyinkiina waanu gaadhsiinay digreetooyinkii madaxwaynaha iyo kuwii wasiiradaba waxna ka dhegaysan maayaan, waxay bixinayaan dantii guud, shacabkii hantidii dawlada cid wax ka qabatayna ma jirto, iyana waa nala soo doortay uun bay yidhaahdaan, qofkii shacabka ahaana waxa uu odhanayaa aniga dawlad baa i siisay oo dawladi waa isku mid oo dawlad baan u aqaanaa, halkay danta guud ku lunsantahayna waa halkaas”

 

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey Dawlada hoose inay kaligood wax walba isku koobeen,  isagoo baaqna u diray Dawlada dhexe  waxaanu yidhi “Wixii beerra ah ee ay sarfay gareeyaan danta guud ee ka soo baxana iyaga uun baa isticmaala ee ax umada wax tara maaha,markaas anagu waaanu u baaqaynaa dawlada waa in uu Burco yimaado odhit dulka hantida dawlada ah arka oo meeshay qabatay arka oo dhugmanka la hayo iyo ciday bixisay arka gacan adagna wax lagaga qabto qaab heer qarana wax looga qabto”

 

Isuduwaha hawlaha guud ee Burco isagoo ka hadlaya  kaalmihii dawladii hore lahayd oo ay hada shicibi ku ganacsadaan oo ay haystaan, isla markaana ah dhul dawladeed, una diiwaan gashan wasaarada hawlaha guud waxa uu yidhi ”Anaga kaalmuhu way noo diiwaan gashanyihiin waxaana taala cida iska fogaysa qoraalkeeda ayaan ka fogaanayn cida isku dhawaysana hadaan qoraal laga hayn dee qoraal lagama hayo,markaas cidii bixisay waanu haynaa qoraalkeedii waanay ogtahay dawladu cida bixisay iyo cida aan shaqo ku lahayn,anagu hawlaha guud ahaan cidii waraaq ay qortay hayaa ala kaalayo dhulkaasna waxa bixsay dawlada hoose iyo cidii ku taageeraysay”

 

Burco Media

Leave a Reply