Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Wafti Uu Horkacaayo Oo Gaadhay Deegaanka Gowsa-weyne Ee Shaqaaqadu Ka Dhacday.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade iyo wafti uu horkacaayay oo ku sii jeeda deegaanka Gowsa-weyne oo ay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ay ku dhex-martay laba beelood oo deegaankaasi wada dega ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiirka oo maanta isgoo ku sii jeeda deegaankan xiisadu ka dhacday oo Saxaafadda Burco kula hadlay ayaa baaq nabadeed u diray Labada beelood ee walaalaha ah ee xiisadu dhex-martay ,waxaanu ugu baaqay in ay is-dajiyaan ,Xurguftana joojiyaan .

Wasiirka oo ay safarkiisan ku wehelinayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen ,wasiirka duulista Hawada iyo wasiir Dawlaha Maaliyadda ayaa sheegay  in aaney aqbali-doonin Xukuumad’ahaan dad isku deegaan ah oo Qoryo isku sita.

Waxaaney sheegayaan warar goor dhawayto naga soo gaadhay Deegaanka Gowsa-weyne ee Degmadda Oog in ay wasiiradani deegaankaasi gaadheen galabta .

Geesta kale Shaqaaqaddan ka dhacday deegaanka Gowsa-weyne shalayto ayaa waxa ku nafwaayay inta la xaqiijiyay Lix Qof oo ka soo kala jeeda Beelaha Reer IIDle iyo Sacad-yoonis ,halka tiro kale-na ay ku dhaawacantay.

Xukuumadda Siilaanyo ayaa ka gaabisay in ay  kala dhex-gasho Labadan beelood ee xiidadu ka dhex-qaraxday.

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply