Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Booqday Deegaanka Sanyare Iyo Is-maandhaaf Ka taagan Wadahadaladii Uu Burco Ka Waday .

Filed under: Latest News |

 

Burco-(BM)-Wadahadalii Sexdex geesoodka ahaa ee usocday ilaa xalayto Wasiirka Arimaha Gudaha ,Shirkadda Genel Energy iyo Gudiyadda beelaha galbeedka Burco ayaa lagu soo waramayaa wali in aan laga gaadhin ,Guulo  wax ku ool ah .

 

Kulankan sedex-geesoodka ah ee dhinacyadan u socday oo qaatay saacado badan ayaa la sheegay  in uu ka xagal-daacay sida ay Burcomedia u xaqiijiyeel Ilo lagu kalsoonyahay dhinaca Wasiirka Arimaha Guduha Md. Cali Warancade ka dib markii TV-ga Afka Xukuumadda Siilaanyo ku hadla uu ka siidaayay xalayto  warar aan laysla ogayn ,qolyihii la shiraayayna aaney isku ogayn..

 

 Wasiir Warancade  oo lagu xanto in uu si weyn  Dhagwadeen ugu yahay Siilaanyo iyo Xirsi oo ilaa xalayto Telefoono ku soo garaacaayay si uu u ujeedooyinkooda gaarka ah u fuliyo ee Shirkadani rabto ayaa  Hadalo Hanjabaad ah oo uu ku difaacaayo Shirkadda Genel Energy oo ay bulshadda gobolka Togdheer ka cadhootay iyo Gudiyadii uu la shiraayay ka siidaayay ,TV Xukuumadda Siilaanyo gacanta ku hayso.

 

 Sidoo kale Wasiirka oo u muuqda in loo soo diray in uu kala daadiyo dareenka iyo cabashadda beelaha galbeedka Burco ee xaga shidaalka ayaa la sheegay gudiyaddan uu shirka la qaatay in ay isku maandhaafeen ,hadalkaa uu jeediyay iyagoo la jooga ee uu Saxaafadda Madaxabanaan u diiday .

 

 

Geesta Wasiirka Arimaha Gudaha ,masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo qaar ka mid ah gudiyaddan shirka la qaatay  ayaa Saaka  Kormeer ugu baxay deegaanka Sanyare iyo Waraabeeye  ee Konfurta gobolka Togdheer.,halkaasi oo la sheegay in ay soo indho-indhaynayaan ,xaaladda dhabta ah ee ka jirta isla markaana kulamo kulayeelanayaan hormuudka beelaha deegaamadaasi ku nool.

Ugu danbeyntii ilaa iyo hada ma jiraan Heshiis rasmi ah oo laga gaadhay wadahadalan ku salaysan Xiisada Shidaal baadhista ee ka aloosan Deegaamadda Konfurta gobolka Togdheer ,gaar’ahaan  Block 27.

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply